| | 395 views

Muqdisho: 14haween ah oo iyagoo ku guda jira howl nadaafadeed lagu buufiyay sun

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dhacdooyin ugub ah oo aan horay uga dhici jirin, kaddib markii shalay haween ka shaqeeya howlaha nadaafadda lagu buufiyay sun.

Falkaan ayay sheegayaan dad goob joogayaal ah inay geysteen kooxo saarnaa gaari nooca raaxada ah oo loo yaqaano NOAH isla markaana halkaasi ka baxsaday xilli ay ku sugnaayeen degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho.

Haweenka ayaa intooda badan waxa ay noqdeen kuwo suuxay,oo uu miirkii ka tegay halka kuwo kale jirkoodii uu isbedelay, kuwaas oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa 14 haween ah.

Haweenkaas maanta dhibaatada la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa gabar Magaceeda lagu sheegay faa’izo Jiinow Cabdulle,taas oo ilaa iyo hadda la suuxsan dhibaatadii ka soo gaartay Suntii lagu buufiyay.

Falkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddo laba maalin ah ay Muqdisho ka dhaceen dad lagu duray dhiig qof qaba cudurka AIDS-ka, iyadoo labada maalin ee isku xigtay falalkaasi ay ka kala dhaceen isgosyada Warta Nabadda iyo Zoobe, inkastoo ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay falkii ka dhacay isgoyska Zoobe oo ahayd haweeney, taasi oo iyadu cirbad ay ku soo qaaday dhiigga qof qaba cudurka AIDS-ka ku durtay wiil darawal ka ahaa Mooto Bajaaj.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*