| | 288 views

Man United oo 40 milyan ku dooneysa daafac Real Madrid u ciyaara.

Jose Mourinho waxaa uu diyaar u yahay in Raphael Varane uu geeyo kooxda Manchester United suuqa bartamaha ee soo socda, iyadoo maamulka kooxdu ay £40milyan taasoo kooxda Real Madrid looga dhaadhicinayo in ay kusoo wareejiso laacibkeeda, sida ay warar sheegayaan.

Macallinka dalka Portuguese-ka ayaa lasoo shaqeeyay wiilkan reer France waxayna waqti kusoo wada qaateen Santiago Bernabeu waxaana la rumeysanyahay in 24-jirkan uu xal u yahay difaaca dhexe ee United dhibaatada ka jirta.

Mourinho aadbuu ula dhacsanyahay difaaca Eric Bailly, waxaana uu ku darsan doonaa laacibka Real Madrid.

Varane ayaana la rumeysanyahay in uu yahay laacib kale oo muhiim ah, marka la fiiriyo wargeyska Mirror. Halka Manchester United maamulkeeda sare ay £40m, diyaar la yihiin Real Madrid ayaase tixgelin doonta in ay kala hadlaan koox kasta oo dooneysa saxiixa laacibkan haddii ay miiska soo saarto £50m.

Ma noqon doonto markii ugu horreysay oo Mourinho iyo Manchester United ay isku dayaan in ay wiilkan kasoo dhaqaajiyaan Spain, waxayna horay isugu dayeen in ay qaataan Varane xataa waqtigii Stamford Bridge uu joogay Mourinho sanadkii 2014-kii.

W/Q: (Maxamed Ahmed Lio)



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*