| | 570 views

Senate-ka Mareykanka oo maanta dhegeysanaya warbixin ku saabsan Somaliya

Golaha Senate-ka Dalka Mareykanka ayaa maanta dhegeysanaya xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee Soomaaliya iyada oo ay ka qeybgelayaan xubno lagu casuumay in ay warbixintaasi ka jeediyaan golaha hortooda.

Warbixintan waxaa ay la xiriirtaa xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee Soomaaliya,Saameynta ay yeelan karto ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya iyo qodobo kale.

Warbixintan waxaa soo diyaariyay Guddi hoosaadka Guddiga xiriirka arrimaha dibadda Mareykanka qeybtiisa Afrika,waxaana xubnahaasi iyo kuwo ka socdo Hay’ado caalami ah laga dhegeysanayaa xaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxyaabaha laga hadlayo waxaa ka mid ah caqabadaha dowladda ka heysta dagaalka Al-shabaab iyo sida looga guuleysan karo.

Dadka lagu casuumay ee halkaas ka hadli doona waxaa ka mid ah agaasimaha Machadka Heritage  C/Rashiid Xaashi iyo xubno kale oo ka socda Hay’ado caalami ah.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*