| | 269 views

Ciidamo Kenyaan oo ku dhintay Qarax miino oo ka dhacay wadada isku xirta Ceelwaaq iyo Mandheere ee G/Gedo.

Wararka kaimaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo Kenyaan ay haleeshay Miino dhulka lagu aasay oo ka dhacaya wadada isku xirta Ceelwaaq iyo Mandheere waxayna miinadaasi la kacday Gawaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee AMISOM.

Dadka ku dhaqan Deegaanka CeelWaaq ayaa sheegay in Miinadaasi ay ku dhinteen askar Kenyaan ah, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo Ciidamada Kenyaan la sheegay inay u socdeen howlgal laga sameynayay qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Jubaland.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaan iyagoo sheegay in afar askari oo Kenyaan ah inay ku dileen, halka kuwo kalana ay ku dhaawaceen, hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada Kenya ama Howlgalka AMISOM.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*