| | 538 views

Xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaaliya oo dib u dhigay ka doodista Mamnuucista DPworld.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta yeesheen kulanka ugu horeeya ee kalfadhiga 3-aad, waaana loo qeybiyay xeerka shalay ay Golaha shacabka ku mamnuuceen inay dalka ka shaqeyso shirkadda DPworld ee laga leeyahay dalka imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada ayaa maanta aysan u suurtagelin inay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World, maadaama ay ka hadleen Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Dhanka kale xiligii dambe ayuu Guddoonka Aqalka Sare wuxuu sheegay in maalinta Berri ah laga hadli doono kiiska Shirkadda DP World la xiriira.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada