| | 653 views

Madaxwaynaha Maamulka Soomaaliland oo si deg deg ah ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta.

Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa waxay sheegayaan in looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii maanta Diyaarad khaas ah ay halkaasi ka soo qaaday.

Madaxwaynaha Somaliland iyo wefdi wasiiro ah ayaa galabta ka dhoofaya Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo safarka madaxweynaha Somaliland la filayo in madaxda imaaraadka iyo wafdiga Soomaaliland ay ka wada hadlaan heshiiska dekadda Berbera ee shirkada laga leeyahay imaaraadka ee DPworld ay qeyb ka tahay.

Imaaraadka ayaa kala hadlaya Muuse Biixi arrimaha muranka dhaliyay ee wareejinta dekadda Berbera iyo sidoo kale qoraalo ay Baarlamaanka iyo dowlada federaalku ka gudbiyeen ansax ahaanta heshiiskaasi.

Dhanka kale Madaxwaynaha Soomaaliland ayaa maanta la kulmay shir gudoonka Baarlamaanka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka iyagoo ka wada hadlaya arrimaha muranka dhaliyay ee shirkadaha Dp World.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada