| | 432 views

Farmaajo Oo Ciidamo Is-Qoray Qaraxii Soobe Kadib Tababar Usoo Xiray

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidamadaan cusub ayaa kusoo biiray ciidanka qaraxii Soope kadib, markii madaxweynaha uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab.

Farmaajo ayaa la hadlay ciidamadaan cusub oo munaasabad loogu qabtay dugsiga sare ee booliska, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in dhalinyaradaan oo u damqanaya shacabkooda ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan cadawga Alshabaab, jawaabna u ah baaqii 18kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Waxaa halkan iiga muuqata ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale.”

Md. Farmaajo ayaa kula dardaarmay dhalinyaradaan in ay u istaagaan difaaca dalkooda si shacabka looga difaaco caddowga duulaanka kusoo qaaday oo ugu horeeyaan Al-Shabaab.

“Maalin walba waxa ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.”



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*