| | 623 views

Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin soo saaray

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa uusan uu dul qaadan doonin in si sharci darro ah lagu bixiyo dhul ama lagu kireeyo.

Guddoomiye Yariisow ayaa uga digay shacabka Muqdisho in ay deegaan ka dhigtaan goob aan sharci aheyn, sidoo kalena ay dhistaan.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen ayaa warbaahinta u akhriyay go’aamada ka soo baxay xafiiska Duqa Muqdisho

Waxaana uu sheegay Xoghayuhu in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii ka hor timaada amarkaasi.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*