| | 868 views

Ciidamada NISA oo weerar ku qaaday saldhig Al-Shabaab lahaayeen Muqdisho

Ciidamada Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay weerar xoogan waxay ku qaadeen xaafad la yiraahdo 100-ka boos oo ka tirsan degmada Kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho saldhig ururka Al-Shabaab uu ku lahaa halkaasi.

Xaafadaasi ayaa la sheegayaa in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo geli jireen xilliyada habeenka ah, halkaasi oo ay ka abaabuli jireen weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Dowladda, hase yeeshee waxaa halkaasi xalay ka dhacay dagaal socday muddo dhowr saacadood ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qasaare ka soo gaaray dhinacyadii isaga hor yimid, iyadoo maleeshiyada Al-Shabaab markii dambe halkaasi ka carareen isla markaana saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dhinacooda hal askari uu kaga geeriyooday dagaalkaasi, waxayna sheegeen in dhinaca Al-Shabaab ay gaarsiiyeen qasaarooyin lixaad leh.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Kaxda iyo Saraakiisha Ciidanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa laga soo xigtay in weerarka xalay ciidanka dowladdu qaadeen uu daba socdo dil shalay Al-shabaab ay xero barakac ay ugu geytsteen Askari ka mid ahaa ciidanka dowladda Soomaaliya,iyagoona dagaalyahanadii dilka fuliyey ay horay usii qaateen qorigii uu watay askariga ay dileen.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*