| | 374 views

Baarlamaanka Federaalka oo maanta ka doodaya heshiiska dekedda Berbera iyo shirkadda DPW

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay waxay kalfadhigooda 3aad uga doodayaan ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid tahay heshiiska dekedda Berbera ku dhex maray maamulka Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Ajandaha heshiiskan oo la soo dedejiyay ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Sabtidii furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana khudbadiisa uu uga hadlay faragelinta dowladaha shisheeye ay ku hayaan madax bannaanida dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay waxaa lagu wargeliyay in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana laga dalabay in ay ku yimaadaan waqtiga lagu balamay.

Ajandaha kulanka ayaa waxa uu yahay ka doodista arrinta la xiriirta Heshiiska Dekeda Berbera ee saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen Dowladaha Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo dhaliyay muran badan.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa dhowaan waxa ay sheegeen heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale in ay u idman tahay Dowladda Federaalka, ansixintiisana keliya ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Madaxda ay heshiiska Dekeda Berbera ku tilmaameen mid sharci daro ah.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*