| | 1,217 views

Maxaa ka jira in Erdogan iyo Putin ay Booqasho ku imaanayaan Muqdisho?

Warar aan ka helney ilo Muhiim ah ayaa sheegaya in marka uu Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo soo dhameysto Booqashada dalka Qadar in Dowladda faderaalka ay u Diyaar garoobi Doonto sidii ay Muqdisho ugu soo dhaweyn lahaayeen Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo Madaxweynaha Ruushka  Vladamir Putin.

Hadii ay booqashadaan Madaxdaan sare Suurta gasho waxaa aduunka uu ku sii siqayaa in ay sameysmaan isbaheyso, waxaana hardanka ugu weyn uu noqon doonaa cidda gacanta ku dhigta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo noqon doonta mid Maamuli doonta Gacasiga aduunka.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qadar hadii ay dhacdo waxay dadka Saadaalinayaan in gabi ahaanba xiriirka loo jaro Dowladda imaaraadka kadib markii uu Duqlaadkii ka dhamaadey Dowlada Federaalka islamarkaana Shacbka ay si weyn uga soo horjeesteen faragelinta Imaaraadka iyadoo Madaxweyne Farmaajo Khudbadii uu ka jeediyey Baarlamaanka uu si weyn durey heshiiskii Barbara  kuna Tilmaamey mid ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa Sannadkii 1977 ayaa xiriirka u jartey Dowladii Ruushka kadib markii ay la safatey dowlada Itoobiya wixii waqtigaa ka dambeeyey Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka waxa uu ahaa mid iska gabi Dhacleynaya waxayna Dadka Siyaasada u Kuurgala ay sheegayaan Isbaheysiga Turkiga, Ruushka, Qadar iyo Masar uu leeyahay Faaiido iyo Khasaaro.

Markaan ka fiirino waxa ka imaan kara hadii ay Soomaaliya ku Biirto Isbaheysigaa in Aduunka uu ku Hardamo Dhulka iyo Badaha Soomaaliya maadaama la sheegey in Marinka Badda Cas iyo Badweynta Cidii gacanta ku dhigta ay Mustaqbalka noqon doonaan mid laga Maamula Ganacsiga aduunka, waana mida maanta ay la rafaneyso Dowlada Imaaraadka oo ka cabsi qabta in ay meel cidla ku soo dhacd, sidaa Darteed isbaheysiga uu Horkacayo Turkiga dadka Soomaaliyeed badankiis waxay qabaan mid mira dhali doona waa hadii uu ka badbaado Isbaheysiga kale ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu xanto in ay u adeegayaan Mareykanka, hadaba la arki doonee waxa ka soo baxa Booqashada Erdogan iyo Putin ee Soomaaliya. inkastoo Dadka Soomaaliyeed ay aad uga Xumaadeen waxa Ruushka uu ka sameeyeen Suuriya.
.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*