| | 571 views

Al-shabab oo xiray Garoomo kubadda Cagta oo ku dhow Madaxtooyada Somaliya

Xarakada Al-shabaab ayaa amar ku bixisay in la xiro Garoomo kubadda Cagta ah oo ku yaalla Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Garoomada loo yaqaan Sallaxa ayaa ku badan Magaalada iyada oo qaar ka mid ah milkiilayaasha Garoomadaas ay u sheegeen Idaacadda Mustaqbal in amarkii ugu dambeeyay xalay la siiyay oo ay sidaas ku xireen.

Al-shabaab ayaa dhawaan amar ay ku rogeen Degmooyinka kala ah Kaxda, Deyniile, Yaaqshiid iyo Hiliwaa lagu xiray Garoomada Kubadda Cagta ee loo yaqaan sallaxa.

Garoomada hadda la xiray ee amarka ugu dambeeyay xalay helay ayaa waxaa ay ku yaallaan Waddada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho,waddadaas oo gasha Madaxtooyada Soomaaliya.

Mid ka mid ah Milkiilayaasha Garoomada oo xalay amar lagu siiyay in uu xiro Garoonkiisa ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in amarkaasi xalay lagu rogay islamarkaana aysan awoodijn.

Al-shabaab iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya midkoodna kama hadlin arrintan ku cusub Magaalada Muqdisho.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*