| | 258 views

Madaxweyne Farmaajo oo khudbo dhinacyo badan leh u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga soo qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey xubnaha labada Gole ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixinayaan ka mari dhalinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin iyo sida ay uga go’antaahy in ay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

“Waxaa Ilaah Mahaddiisa ah, in goleyaasha baarlamaanka iyo laamaha kale duwan ee dowladda ay gacmaha is heystaan oo wada shaqeyn buuxda leeyihiin, taas oo keentay in wax badani ay inoo qabsoomaan, wax bandanna aan gacanta ku hayno, iyadoona in kale inoo qorsheeysantahay.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey mudanayaasha Baarlamaanka siyaasadda dalka,amniga, dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah, dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah oo la shaqeynaysa Dowlad Goboleedyada dalka ay dhammeystirtay qorshaha abaabulka iyo howl gelinta ciidanka, si dalka looga xoreeyo cadawga Alshabaab.

“Dowladdu waxa ay dejisay istaraatiijiyadda difaaca dalka, waxaan bilownay isku-dhafka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo fududeynaysa in aan mideyno awooddeenna iyo cududdeenna si aan dalka u xoreyno.”

Madaxweynaha ayaa mar kale cusbooneysiiyey cafiskii uu u fidiyey dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka tirsan Alshabaab, waxa uuna tilmaamay sida ay uga dhabeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ballan-qaadkii ku aadanaa dadka ka waantooba falalka argagixisanimo.

Previous Image
Next Image

info heading

info content



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*