| | 446 views

Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ka heshiiyay khilaafkii u dhaxeeyay

Madaxtooyada dalka Kenya ee magaalada Nairobi waxaa maanta kulan ku yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga NSA Raila Odinga, iyagoona soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay tan iyo markii dalkaasi ay ka dhacday doorashooyinka.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda dalka Kenya, iyagoona isku afgartay dhammaanba waxyaabihii ay ka wadahadleen, waxayna labadooda ka hadleen ahmiyadda kulankooda oo ay sheegeen inuu ku dhammaaday is faham.

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bartiisa xiriirka bulshada waxa uu ku sheegay inuu kulan la qaatay walaalkiis Raila Odinga sida uu hadalka u dhigayna waxa uu tilmaamay inay is faham ka yeesheen in dalka Kenya uu ka weyn yahay qof kasta.

Khilaafka soo kala dhex galay Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa soo bilowday doorashooyinkii ka dhacay dalka Kenya, oo sababay in xaaladda siyaasadeed degenaansho la’aan la soo deristay.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*