| | 507 views

Madaxdu marka ay khaliijka tagaan,maxey u soo noqdaan iyaga oo leh waan isku soo afgaranay!!(Nasashada Jimcaha .Q-86aad.)

Araar: Wax Akhyaar loogu maahmaahu ma ahan ee maahmaahdaa meeshaa naga qabatay ee raali ahaada.

1-Nin dhuuni ah oo cuntada aad u jecel ayaa waxaa casuumay saaxiibkii, oo kaligii martiqaad weyn u sameeyay si uu mar un u yiraa waan dhargay. iyaga oo qadadii la soo hoos dhigay iriduna u xiran tahay ayaa dhuunigii yiri: Lacalla haddii irida la soo garaaco maxaad sameynee? Kii kale ayaa yiri: ka furi mayo. Waa hagaag ayuu yiri, wax yar kadib ayaa iridii la soo garaacay, dhuunigii ayaa yiri: soow kuuma sheegin. Kii kale ayaa yiri: waa saaxiibkeey, 10 sifo uu leeyahay ayaan kuu sheegayaa ,mid ka mid ah Haddii aad dhibsatana ka furimaayo. Tan 1aad, maanta waa sooman yahay,waxna ma cunayo mana cabayo.tan 2aad. Dhuunigii ayaa yiri: sug sug 9ka kale iska heeyso. (Fiiri sawirka 1aad)

(Gabar ayaa Aabaheed ku yiri: Nin ayaan ku siinayaa. Waxay tiri: Aabe wiil ayaan wada soconaa 4 sanno, 2 sanno ka hor ayaana iska soo mehersanay xarunta nikaaxa “Maashaa a’ Allaah” nin kalena maya. ( fiiri sawirka 2aad) Waxa uu ku yiri: 5 sifo ayuu leeyahay haddii mid ka mid ahi ay ku anfici weydo waan kaa deynayaa. Tan 1aad,waa Taajir London degan. waxay tiri: Aabe Ducadaadaan rabaa, warkaagana diidi mayo ee iska daa 4 ta kale).

2- wiil yar ayaa isga oo ku ciyaaraya Bambo uu gacanta ku heystay ayaa oday xaafadda deganu ku yiri: Maandhow iska jir Bambadanu yeyna kugu qarxan oo adiga iyo dadka kaleba yeyna wax yeelin. Wiilkii ayaa ku yiri: Adeer maxaa ka macnaa, haddii ay qarxato Laba kale ayaan heeystaa oo guriga ii taal.

( Wiilkii hadda waa wasiirka ………..).

3- Juxa ayaa maalin suuqa ka soo iibsaday Loor Bur ah, waxaana u soo qaaday nin xamaali ah, meel buuqa oo suuqa dhaxdiisa ah ayeey ku kala dhumeen.muddo markuu raadinayay ee uu waayay ayuu Juxa iska baxay. 7 cisho kadib ayaa juxa oo la socda walaalihii ayuu ku yiri: 7 cisho ka hor nin ayaa igala dhuuntay Loor bur ah, intii uu hadalka waday ayuu u jeeday ninkii oo loorkii ku wada gaari gacankii. Juxa Luuq ayuu ku cararay.

Walaalihii ayaa weydiiyay maxaa kugu dhacay ,wuxuu yiri : waxaan ka baqayaa in uu xamaaligu i weydiisto kiradii Xamaalka ee 7da cishu, ee ka aamusa.

(Siyaasi ayaa ka qayb galay dood dadweyne oo looga hadlayo shirkadaha shidaal ee laaluushka bixiyo. Waxa uu yiri: waa jiraan anigaaba wada aqaan kulina waa tuugo ee Ruqsada ha lagala noqdo, markii liiska loo keenay ayuu yiri: tan halaga reebo, …. sabab????…. Waa tii uu Ruqsada isagu siiyay waxa uu ka baqayaa in 7 bilood oo ay baaris shidaal wadeen ,laaluushkii uu ka qaatay lagu dacweeyo).

4- Nin darawal Bus ahaa oo Afgoi ka soo baxay xamarna u soo socda ayaa ,lagu joojiyay bar kontorool, waxaana la weydiiyay lacagtii Leejada oo intii hore ka badan waana diiday, qoray ayaa lagu soo taagay, dadweynihii ayaa qayliyay oo ku yiri: war hana haligin ee iska bixi ama annagaa iska ururineeyno. Waxa uu ku adkeeystay in uuna bixin illaa taliyaha loo geeyo, qoralihii Cali Dilaaye oo maskaxdiisa dil iyo hub kaliya ku fekerkoodaa ku barbaaray oo wax kale aan aqoon ( fiiri sawirka 3aad) ayaa ku yiri: u tag taliyaha waa kaa qolkaa ku jiree: wuu degay waxaa uuna tagay qolkii, waxa uu ku soo arkay Maydka Darawalkii ka horeeyay oo kaliya oo qolka dhax yaal.

Waa soo noqday isag oo leh : waan bixinayaa, taliyaha ayaa igu yiri: iska bixi.

( Madaxdu marka ay iyaga oo boola xoofteeynaya ay khaliijka (Qadar & Imaaraadka tagaan,maxey u soo noqdaan iyaga oo leh waan isku soo afgaranay, maxaa la soo tusay? Yeeysa la kulmeen?). Fiiri sawirka 4aad.

5- Tuulo Talyaaniga ku taal ayaa waxaa ku noolaa qoys Talyaani ah oo ka kooban Labadii waalid Iyo wiil & gabar ay dhaleen da’dooduna aheyd 20 & 22 jir.waalidku Labadaa caruurta waa kala ilaaliyaan, si ayna fal anshax xumaa iskugu sameeyn, mar kastana waxaa la joogayay mid ka mid ah Labadda waalid si uu u kala ilaaliyo.

Maalintii dambe ayaa labadii waalid Kaniisadda laga wacay. Labdii ay dhaleen ayeey kula balameen in midkood uu joogo dabaqa sare ee guriga uuna hoosna uga soo degin,kan kalena uu hoos iska joogo. Saacad markii ay sii maqnaayeen ayaa caruurtii hoos isugu yimaadeen. Waana is fahmeen, anshax xumadii laga ilaalinayay ayeeyna ku dhaqaaqeen.

Gabadhii ayaa ku tiri: Aboowe: Aabe adigaaba ka Galma wanaagsan. Wiilkii ayaa ku yiri: waan ogahay oo horaa hooyo iigu sheegtay). Fiiri sawirka 5aad.

( Hala yaabin Gaaladaa Horaa diintu noogu sheegtay fiiri “aayada qur’aanka ah oo leh, “waa sida Xayawaanka Nimcooleeyda ah oo kale, iska daaye waaba ka sii liitaan”. ..aan u duceeyno walaalaheena Diaspora ee qoyskaa deriska la ah in ayna ilmaha ka fadareyn).

6- Nin ayaa Xajka u waday xaaskiisii & Sodogtiis, maalintii la taagnaa Banaanka Carafo. Ayuu soo gadaal fadhiistay xaaskiisii oo indhaha isku heeysata oo duceysaneyso oo leh: Ilaahayoo iga cafi hal mar oo kaliya ayaan ninkeyga khiyaamay oo nin kale aan faaxisha la sameeyay. Isaga oo aan is tusin ayuu ka dhaqaaqay, waxa uu ag fadhiistay Sodogtiis,waxa uu maqlay iyada oo ku duceysanee: Ilaahayoow i cafi hal mar oo kaliya ayaan ninkeeyga khiyaamay oo aan nin kale faaxisha la sameeyay. Isaga oo aan is tusin ayuu gooni u baxay oo uu buurta koray gacmahana kor u taagay, isaga oo leh: Deeee, Alahayoow anigana i cafi, anigaa sharaamiid Xajka kuugu soo kaxeeyay oo weliba Carafa kuugu keenay..fiiri sawirka 6aad.

( Nin xildhibaan ah ayaa ku duceystay Allahayoo i cafi, aniga oo ummaddan u dhaartay ayaan weliba Hebel , Hebal, Hebel & Hebal ,4taa oo aan wada garanayay ayaan u codeeyay).

FG: Nasashadu waa nusqaani rabtaa,xaraarkii ayaa soo heray. Halkii ay 6 ka aheed 3 ayeey isku badali kartaa, hadaan adinka la idinka helin Nasasha Kaab. Ku soo dir E-Mail: yahyamw4@gmail.com

Qore: Yahya Amir.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*