| | 780 views

Jilaaga caanka ah ee Reer Hindiya Sanjey Dutt oo sameeyay arin aan laga fileyn

Jilaaga caanka ah ee Reer Hindiya ninka lagu magacaabo Sanjey Dutt, dadka Soomaaliyeed ee daawada aflaantiisana ay u yaqaanaan Aaltamooda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka biyo diiday hanti la sheegay in isaga dhaxal ahaan loogu sixiixay.

Atooraha Sanjey Dutt wuxuu si rasmi ah u diiday inuu la wareego hanti dhaxal ahaan ay ugu sixiixday haweeney taageerayaashiisa ka mid ahayd oo geeriyootay, haweeneydaasi oo dhammaan wixii hanti ay lahayd ku sixiixday Sanjey Dutt kahor geerideeda.

Jilaagan ayaa isagoo la hadlayay warbaahinta dalkaasi Hindiya sheegay inuusan dooneyn inuu la wareego hantiga la sheegay inay dhaxal ahaan ugu sixiixday haweeney taageerayaashiisa kamid ahayd, isagoona uga mahad celiyay taageerada ay u muujisay balse sheegay inuusan dooneyn in uu la wareego dhaxal qofkii uga tagay xataa uusan aqoon u lahayn.

Arintani ayaa dalkaasi Hindiya ka noqotay maalmahan hadal heynta ugu badan ee looga sheekeysto goobaha ay bulshadu ku kulanto, waana taariikhda markii ugu horreysay ee dhacdo noocan ah uu la kulmo mid ka mid ah Jilayaasha caanka ah ee Bollywoodka.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*