| | 472 views

Mashruucii Shabaab Soomaaliya ma ka hanaqaaday?

Xarakada Shabaab dadkeena waxay horay u bartay inay iska xasuuqdo oo aan loo raacan ee lugu gaabsado Shabaab baa qarxiyey ama toogtay laakiin mashruuca aan maanta ka hadlayno maaha dilka, dhaca, gaalaysiinta iyo cabsigalinta midna ee waa in dadka la nacsiiyo oo lugu diro diinta iyo dadka xambaarsan oo markii la arko qof muuqaal islaam leh laga dido ama la dhibo sida aynu ku arki doono qisada soo socota.

Niman muslimiin ah oo aqoonyahan ah ayaa hay’ado shaqaale ahaan dalka u keensadeen. Nimankaas waxay ka yimaadeen dalal muslimiinta looga badan yahay. Waxay ahaayeen niman diintu ka muuqato. Waxay islahaayeen hadda ayaad tagteen meel dad wada muslin ah dagganyahay oo Rabbi ayaa idinka waday meelihii gaaladu u badnayd laakiin markay soomaaliya yimaadeen waxay la kulmeen wax ka duwan wixii ay filanayeen.

Masaajidka ayay u bexeen mise intay jidka sii socdeen ama soo socdeen askar iyo dadweynaba waxaa lugu oran Shabaab baa tihiin ama waaba qabsanayaa. Markii nafta loo keenay oo qofkii arkaba uu ku yiri ma Shabaab baa tihiin ayay iska suuliyeen calaamadihii muslimiinta lugu yaqaaney: garkii way xiirteen, surweelo Jiinis ahna waa xirteen, koofiyado af dheerna way xirteen oo waliba calaamadii sujuudda qarinaysa!.

Kolkii ay is dhalan rogeen baa ugu dambeysay askari istaajiya iyo qof ku yiraahda Shabaab baa tihiin!. Markaas ayay soomaalidii ay wada shaqaynayeen ku yiraahdeen: nimanyohow dal muslin oo muuqaalka muslinimada la nicibyahay, muuqaalka gaaladana la jecelyahay waa maxay?.

Haddaba aynu isweydiino sababta keentay in dadka soomaaliyeed ay ka didaan muslinka aan soomaaliga ahayn, sharna ay ka fishaan, halka aysan gaalada ka didayn, sharna ka filanayn. Didmada iyo dareenka noocaan ah horay dalkeena ugama jirin ee waa wax la fil ah Shabaab iyo suura-xumayntooda diinta. Tan kale shaki ma leh in dicaayadaha qalabka warbaahinta ka baxaya ee lugu foolxumaynayo islaamka iyo dadkiisa ay saamayn ku yeelanayaan dadweynaha.

Tan seddexaadna dadkeenu waxay caan ku yihiin hadal tiro iyo inay faduuliyaan ciddii aan soomaali ahayn. Waxaa intaa dheer oo aan la inkiri Karin in Shabaab .

Dhinac kale marka laga eego bulshada in la nacsiiyo diinta iyo dadkeeda ayaa ka khatarsan oo ka cirib xun dilka iyo dhaca bulshada loo gaystay; waayo in diinta la nacsiiyo gaalnimo iyo diin la’aan bay dadka dhaxalsiin kartaa laakiin dilka iyo dhacu waa dhibaato adduunyada ku kooban.

Haddaba culimada iyo waxgaradka soomaaliyeey waxaa saaran inay bulshada ka wacyigaliyaan dicaayadaha joogtada ah ee lugu hayo diinta islaamka iyo dadka rumaysan, dadweynahana waxaa laga doonayaa inay kala gartaan diintii Ilaahay nabi Muxammad ugu soo dhiibay iyo falalka qaldan ee Shabaab diinta ku nabayaan.

Gabagabadii soomaaliyeey ina ma qabato in aynu muslimiinta tuhuno oo ka shakino, gaaladana aamino oo sidii gacal u soo dhaweysano ee aynu muslimiinta dalkeena yimaada soo dhaweyno oo diinta iyo walaalohood jeclaysiino.

Waxaa Qoray: Sh. Axmed Cabdisamad
E-mail: alwaqaar@hotmail.com



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*