| | 535 views

Dhakhaatiir ku guuleystay qalliinka ‘buradii ugu weyneyd ee maskaxda’

Dhakhaatiirta Hindiya, ayaa ku guuleystay iney soo saaraan buradii uggu weyneyd, oo culeyskeedu yahay hal kiilo iyo sided garaam, taasoo laga gooyey maskaxda nin da’diisu tahay 31 sano jir.

Qalliinka, oo qaatey muddo toddobo saacadood ah, ayaa waxa lagu sameeyay cisbitaalka Nair ee ku yaalla galbeedka magaalada Mumbai 14-kii bishan February ee 2018-ka.

Balse hannaankii iyo qaabkii uu u dhacey qalliinka looma soo bandhigin dadweeynaha, maadaama aaney dhakhaatiirta hubin illaa iyo haatan in lagu guuleystay iyo in kale.

‘Waxa haatan la sugayaa oo kaliya soo kabashada bukaanka, balse hadda khatartii waa uu ka baxay”, sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Trimurti Nadkarni,oo ah madaxa dhakhaatiirta qalliinka.

Santlal Pal, waaxa uu ka shaqeeya dukaan ku yaalla dhanka waqooyi ee gobolka Uttar Pradesh, waxa uuna la daalaa dhacayey buradan saddexdii sano ee uggu danbeysay, ka hor inta aanu galin qalliinkan.

Dhakhaatiirta ayaa sheegtay in Mr Pal uu aragtidiisii ku waayay buradan, hasayeeshee wuxuu rajeynayaa in mar un uu aragiisu dib usoo noqon doono, maadama uu ka soo kabanaya qalliinka.

Xaaska Pal, ayaa u sheegtay wargeyska Hindu in ay booqdeen saddex isbitaal oo kala duwan oo ku yaalla gobolka Uttar Pradesh, waxaana lagu yiri waxba lagama qaban karo buradan.

“Kiisaska noocaani oo kala ah waa kuwo halis ah”, ayuu yiri Dr Nadkarni, isagoo intaa ku darey in bukaan Pal uu u baahanaa in lagu shubo dhiig gaaraya 11 unit, intii lagu guda jirey qalliinka, markaa kadibna waxaan lagu xirey maalmo kooban qalabka neefsashada, si uu usoo kabto.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*