| | 413 views

Kooxda Real Madrid oo si xarago leh uga adkaatay Kooxda PSG & Ronaldo oo Wacdaro dhigay. +Sawiro

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu uga adkaatay PSG, iyadoo Los Blancos muujisay kooxda Real Madrid sababta ay u tahay Boqoradda Yurub marka la joogo tartanka Champions League.
Kooxda PSG ayaa ciyaartii xalay ku hor martay gool, balse Zinedine Zidane ayaa muujisay awooda iyo kartida ay ku leedahay tartankan waxaana gool rekoore ahaa Madrid barbaraha ugu keenay Cristiano Ronaldo.

iyadoo la filaayay in Ciyaarta barbaro ay ku dhamaanayso ayay Real Madrid duufaano weeraro ah ku qaaday kooxda PSG waxayna la timid laba gool oo deg deg ah iyada oo Ronaldo iyo Marcelo ay Goolashan dhaliyeen, waxayna PSG ku fashalintay inay natiijo fiican ah ka hesho Ciyaartaasi.

Real Madrid ayaa ciyaari doonta kulanka lugta labaad ,iyadoo kalsooni dheeraad ah hadda ku qabta inay u soo bixi karto wareega 8-dhamaadka ee UEFA Champions league, halka PSG ay shaqo culus ku sugayso garoonkeeda haddii ay doonayso inay ka soo kabsato guuldarada Bernabeu ka soo qaadatay.

Dhanka ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Real Madrid uga adkaatay kooxda PSG, iyadoo waliba daqiiqadihii ugu danbeeyay la timid laba gool oo ay xaalada ugu xumaysay PSG oo gool kaga hor martay qaybtii hore ee kulankan, waxayna Real Madrid kulanka Paris tagi doontaa, iyadoo kalsooni wayn ka qabta inay u soo baxdo wareega 8-dhamaadka UEFA Champions league.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*