| | 332 views

XFS Oo Sheegtay In Biyo La’aan Ay Ka Jirto Gobollada Dalka

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Biyo la’aan ka jirta goboollada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay gureen Wabiyadii dalka, islamarkaana dadku ay isticmaalayaan xilligan Biyo wasaqeysan , taasi oo sababi karto caafimaad darro.

Sidoo kale wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya ayaa xusay in Biya la’aantaasi ay ka jirto dhammaan deegaanada maamul goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka in ay caawinaad deg deg ah ay u fidiyaan dadkaasi, islamarkaana ay ka qeyb qaataan mashaariicyo Ceelal Biyood loogu qodayo dadkaasi.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada