| | 740 views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay iskudayga Dilka Boqoradda UK iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee ingiriiska David Camiroon.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Aweys Shiikhey ayaa la sheegay in la xiray isagoo doonaya inuu ku Biiro ururka Daacish, kadib markii dayn ka qaatay Bangi lacag dhan 10,000 oo Euro oo u dhiganta 12,362 Dolar-ka Mareeykanka ah.

Wargayska Telegraph ee ingiriiska ka soo baxa oo baahiyay dhacdadaasi ayaa sidoo kale sheegay in Muwaadinkaasi Soomaaliga ah uu Bangiga u sheegay inuu Lacagtasi u doonayo inuu ku guursado, hase yeeshee la ogaaday inuu rabo inuu ugu safro Siiriya si uu ururka Daacish ugu Biiro.

Muwaadinkaan Soomaaliga ah ayaa ah darawal Gaari Badeecooyin daabula oo da’diisu tahay 38-jir, wuxuuna ninkaasi Soomaaliga ah beeniniyay inuu diyaarinayay weerarro Argagixiso iyo in uu Dad kale kala dooday Dilka Boqoradda UK iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee ingiriiska David Camiroon.

Xeer ilaalinta UK ayaa sheegay inuu ninkaasi ka hadlay in la weeraro Yahuuda Dagan Degmadda Stamford Hill ee ku taalla Waqooyi bari Magaaladda London ee Caasimadda Ingriiska iyo in Qori AK47 ah lagu Beegsado marka taagerasyaasha kubadda Cagtu ka soo Baxaan Garoonka Tottenham Hotspur.

Mr. Waeys ayaa la sheegay inuu heyto Dhalashadda Netherland wuxuuna leeyahay labo xaas oo kala Dagan Netherland iyo Kenya iyo Caruur, iyadoo Muwaadinkaas Soomaaliga ah la sheegay in 23-kii may ee Sanadkii tagay laga qabtay Garoon Caalami ah oo ku yaala Magaalada London.

Barnaby Jameson oo ah Dacwad ooge ayaa sheegay in ujeedo kasta oo uu lahaa Aweys ay ka dhex muuqatay Xag-jirnimo, iyadoo la sheegay in ninkaasi uu tashkiiliyay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa wadanka Kenya magaciisana lagu sheegay C/Raxmaan Idris Xasan sida lagu ogaaday Qoraalo ay isku dhaafsadeen baraha Bulshada.

Dhanka kale Dacwad oogaha ayaa Maxkamad ka hor aqriyay Qoraal uu soo qoray C/Raxmaan Idiris Xasan oo u Qornaa sidan: “ Ilaahey ha kugu darajeeyo Dilka David Camiroon iyo Haweyneyda Duqda ah ee Elizabeth.



*Dhageyso* Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo ka hadlay xaalada Soomaalida ku dhibaateysan Liibiya