| | 654 views

Wiil ay walaalo yihiin Wasiir lagu dilay Muqdisho oo olole ka bilaabay Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaa ka degay wiil ay walaalo yihiin Wasiir da’ yar oo lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasi oo ilaa iyo iminka ay socoto dacwadiisa iska oo maxkamadda ciidamada xukuno kala duwan ku fulisay raggii ka dambeeyay.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdullaahi Siraje ayaa ka yimid dalka Kanada oo uu ka helay deeq waxbarasho ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo, isagoona kulamo kala duwan la qaatay waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda beeshiisa.

Maxamuud Cabdullaahi Siraaje ayaa sheegay inuu u tartamayo jagada Xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday walaalkii Cabaas Cabdullaahi Siraaje oo sidoo kale ahaa Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Maxamuud ayaa isagu ah da’da ku xigtay Wasiirkii geeriyooday ee Cabaas Siraaje, iyadoo ololihiisa uu ka bilaabay magaalada Kismaayo uu ku doonayo inuu buuxiyo booskii uu banneeyay walaalkii, mana jirto cid ilaa iyo iminka kula loolameysa kursiga xildhibaanimo ee baarlamaanka maamulka Jubaland.



*Dhageyso* Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo ka hadlay xaalada Soomaalida ku dhibaateysan Liibiya