| | 615 views

Naaneysta Siyaasadeed ee Soomaalida !!!.

Haddii aad Hore u soo argtay naaneeys bixinta somalida. Sida: A) – Cabdi Caato ( fiiri Sawirka 1aad). B)-Cumar Fanax ( fiiri sawirka 2aad). C)-Axmed tima jilac ( fiiri sawirka 3aad). D)- Xassan Cadde ( fiiri Sawirka 4aad) E)-Abdullahi Faralaawe ( fiiri sawirka 5aad).

Maxaad dhihi leheeyd haddad maanta aragto: Nin tuug ah oo la yiraa Cabdalle Aamin. Mid colaadda ka shaqeeyo oo loogu yeerayo Nabaddoon. Mid Dugsi H/dhexe ka qalin jabiyay oo la leeyahay Barfasoore.

Dable loogu yeerayo Korneel. Gudoomiye Gobal oo loogu yeerayo Madaxweyne. Shar wade loogu yeerayo Sheikh. Seegseeg loogu yeerayo siyaasi. Xil-mooge loogu yeerayo Xil-dhibaan. Xoghaye Degmo oo loogu yeerayo Wasiir.

Tacbaankii oo loogu yeerato Taliye. Kii xaqiisa ku mintida oo loogu Mucaarad,Kii u diidana Muxaafid, Kii Af Carabiga yaqaanna Mufti Caalim ah. Sariflihiina loogu yeerayo Bankaariyo. Kii Bajaaj wadana Biloote.

Ma fahmin,,, wuxu ma naaneeysaa mise waa magac iyo Mansab dhab ah. Mise waxaan nahay ummad gadaal gadaal wax u fahamta.

Adiga maxaa laguugu Naaneeysaa?.

Qore: Yahya Amir.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*