| | 552 views

Jen. Caanood: “Gaadiid qaraxyo ku raranyihiin ayaan ugu tagnay Mubaarak”

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdullahi Cali Caanood ayaa ka warbixiyay howlgal Ciidamada dowladda ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha hoose.

Jen Caanood ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ee qabsaday Mubaarak ay degaankaas ugu tageen Labo gaari oo laga buuxiyay walxaha qarxa,Hub iyo Rasaas farabadan sidoo kalena ay degaankaas ku bur buriyeen FM Radio oo ay Al-shabaab leeyihiin sida uu sheegay.

Caanood ayaa ku faanay in howlgallada ay sii socon doonaan isaga oo xusay in dagaal uu ka socdo degaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha hoose,Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayuu sheegay in ay ku wajahanyihiin degaannada Farsooleey iyo jannaale.

Jen Caanood waxaa uu intaas raaciyay in Ciidamada ay bur buriyeen gaadiidka ay ku rarnaayeen walxaha qarxa sidoo kalena ay kuwo kale maanta bur burinayaan.

Ciidamada dowladda,kuwa AMISOM iyo diyaarado dagaal ayaa shalay ka qeyb galay howlgal Ciidamada dowladda ay ku qabsadeen Degmada Awdheegle, degaannada Mubaarak,Daarusalaam Ugunji iyo meelo kale.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada