| | 567 views

ONLF oo si adag uga jawaabtay hadalkii M/weyne Farmaajo ee ku aadanaa Qalbi DHagax

Jamhada ka dagaalanta deegaanada Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, loona yaqaano ONLF ayaa si adag uga jawaabtay hadalkii habeenimadii Khamiistii uu baahiyey Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ku aadanaa dhiibidii Sarkaal sare oo katirsanaa Jamhadaas Cabdikariim Sh Muuse Qalbi dhagax, oo loo dhiibay Xukuumada Addis Ababa.

Hadal hayeen u hadlay ONLF ayaa sheegay in ay tanni muujinayso qayaanada iyo arrimaha ay ku kacayso Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aan lays kaga hari doonin dhiibidii Sarkaalkooda oo ay Villa Soomaaliya dareemi doonto saameyntaas.

ONLF waxay sheegtay in wali lasii waday bartilmaameedsiga qoyskii Qalbi-Dhagax, ayna marar badan galeen gurigooda oo kuyaala caasumada Soomaaliya, ayna hadda ka qaxeen magaaladaas.

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge wuxuu cadeeyey in ay tahay hadalka M/weyne Farmaajo khiyaamo qaran oo laga galay Soomaaliya, ayna xooga saarayaan sidii loola xisaabtami lahaa kuwa ka dambeeya.

Mr, Hirmooge wuuxu kaloo sheegay in hadalada maalmihii u dambeeyey soo baxayey ee ay isku eedaynayaan kooxihii ka dambeeyey dhiibidii Sarkaalkan, ay yihiin kuwa muujinaya dhibaatada ay leedahay in Muwaadin Soomaaliyeed loo dhiibo dal Shisheeye oo dagaal ka dhaxeeyey.

Todobaadkii lasoo dhaafay mar kale ayay soo labo-kaclaysay hurgumada ku saabsan QALBI DHAGAX, oo saameyn weyn ku yeelatay dawladda Faderaalka, ayna xilalkoodii ku waayen Taliyaasha ciidamada, sidaas oo kalena cabsi laga qabi karo Mooshin hadda horyaala baarlamaanka faderaalka.



*Dhageyso* Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo ka hadlay xaalada Soomaalida ku dhibaateysan Liibiya