| | 421 views

Jaaliyadda Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda oo dooratay Guddi cusub [SAWIRRO]

Doorasho qof iyo cod-kii ah, oo ay ka qeybgaleen tiradii ugu badneyd ee ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida Magaalada Zwolle ee dalka Holland iyo nawaaxigeeda ayeey 2 sanno oo hor leh u doorteen Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadaasi C/qaadir Cali Nuune. Sidoo kale, waxaa Guddoomiye ku-xigeen & Xisaabiye loo doortay C/nuur Faarax & C/qaadir Qandac.

Kulanka doorashada oo lagu qabtay Magaalada Zwolle, waxaa ka soo qeybgalay xubno ka socday [Gemeente-huis] Zwolle & wakiilada xisbiyadda mucaaradka u fadhiya Gobolka Overijsel.

Xubno ka tirsan Jaaliyadda oo kulanka ku micneeyey sababaha dib loogu doortay Guddoomiyaha inuu yahay shaqsi howlkar ah, isla markaana muddadii uu metelayey Jaaliyada waxqabadkiisu uu gaaray guri walba oo qoys Soomaali ahi degan yahay, isaga oo ku guuleystay dedaalo lagu badbaadinayey ubad Soomaaliyeed.

“Haddii aan habeen 8 saac u baahano wuu na soo gaaraa, waa shaqsi Soomaalidu isugu mid tahay, qof kasta ee Soomaali ah oo dhibaateysanna garab siiya; dadkeena Soomaalida wuxuu inoo yahay C/qaadir Nuune raasumaal, waanna sababta ay dadkii kulankani ka soo qeybgalay ay isugu raaceen in dib loo doorto” Ayeey tiri Farduus Raalto.

C/qaadir Nuune oo kulankaasi ka hadlay wuxuu u mahadceliyey dadkii kalsoonida siiyey, wuxuuna tilmaamay in 2-dii sanno ee la soo dhaafay Guddigoodu in ay qabteen shaqooyin culus, wuxuuna balanqaaday in qorshaha cusub ee Jaaliyaddu tiigsaneyso ay ugu horreeyso sidii loo heli lahaa xarun u gaar ah Jaaliyada Soomaalida, goob dhalinyaradu ku ciyaaraan isboortiga & xarun haweenka Soomaalidu ku kulmaan.
DHINACA KALE, Waxaa kulanka soo xaadirin Axmed Cabdi [Hayaan], Faadumo Maxamuud iyo Cabdulaahi [Jaafuli] oo ka tirsanaa Guddiga Jaaliyadda ee xilligoodu dhammaaday, waxaanna xubnahaasi 13-kii Janaayo ee sannadkan shir ay ku qabteen Zwolle ay shaaciyeen in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Guddiga C/qaadir Cali [Nuune], iyaga oo ku eedeeyey inuu dhegaha ka fureystay baaq ay kaga dalbadeen in la sameeyo doorashaddii ay Jaaliyaddu 2-dii sanno ba mar ku dooran jirtay Guddi cusub.

Inkastoo doorashadaasi aysan goob joog ka aheyn aasaasayaashii Jaaliyadda, haddana waxa ay marqaati u aheyd taageerada baaxada leh ee Guddoomiyaha la doortay C/qaadir Nuune uu ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida ee degan Magaalada Zwolle & Magaalooyinka ku xeeran ee dalkaHolland.




Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*