| | 546 views

SANAD GUURADA 1AAD EE MADAXWEYNE FARMAAJO MAXAA LAGU QIIMEYN KARAA?

Dawlada Fedaraalka Somaliya oo 18 sano jirsatay ayaa sanad u dhamaaday kadib hogaamintii M.Farmaajo oo shalay iyo maanta lagu qiimeynayey wax qabadkii sanadkaas; guulo, dhaliilo, horumar iyo gaabis. Maxaa ka fulay balan-qaadkii Madaxweynaha iyo wixii laga filayey, maxaase fuli waayey?

Ma lagu qiimeyn karaa tiro la isku daro ama la kala jaro? Mise waxaa laga eegeyaa maxaa kusoo kordhay halkii aan joognay sanad ka hor? Maxaa laga gaabiyey? Maxaase loo baahanyahay in lagu kordhiyo sanadka cusub?
Hadii Madaxweynuhu uu balan-qaaday hawli cusub qaarna laga filayey, loona qeybiyo 4 sano xilkiisa waxaa laga rabaa 100 ÷ 4 = 25 ma xaqiijiyey 25% sanad?.

Hadii aan soo koobno waxyaabaha sanadkii dhamaaday ku cusub Siyaasada Somaliya ee Hogaaminta M. Farmaajo;
A. Guulaha la gaaray;
1. Xuska 8 Feberuary oo loo bedelay samafal iyo furitaan mashaariic horumarineed, lagana joojiyey xaflado iyo dabaal-degyo.
2. Markii ugu horeysay ee sanad u dhamaaday golayaasha dawlada iyada oo aysan jirin khilaaf iyo xasilooni daro siyaasadeed, sidii looga bartay dawladihii hore in sanad kasta ku dhamaado khilaaf iyo kana siib kana saar.
3. Kadib Madaxweyne Aadan Cadde oo Madaxweyne Farmaajo aqbalay awoodaha Golaha Wasiirada iyo R/wasaaraha una fasaxay R/wasaaraha in uu qabsado shaqadiisa Dastuurka.
4. Go’aan qaadasho ay ka muuqato geesinimo iyo awood dawladeed sida; go’aankii dhex-dhexaad-nimada khilaafkii Khaliijka iyo safarkii Gobalada ee laga kaaftoomay ilaalada AMISOM ee Ciidamada Somaaliyeed ku ilaaliyeen Madaxweynaha 1500 KM oo socod ah.

5. Ha’adaha iyo Wasaaradaha dawladda oo shaqada lagu xisaabiyey lana balanqaaday in Agaasime yaasha lagu xuli doono aqoon, karti iyo hufnaan.
6. Mushaarkii iyo xuquuqdii Shaqaalaha oo la bixiyey sida abaal marinta ay xukuumada ku siiyeen gudiga shaqaalaha Rayidka.
7. Xiriirkii dawlada iyo dadweynaha oo bilawday kadib safarkii Madaxweynaha ee Puntland iyo Galmudug.
8. Khilaafkii awood qeybsiga ee Fedaraalka iyo dawlad gobaleedyada oo ku dhamaaday is faham iyo wada shaqeyn.
9. Dakhliga dawlada iyo mashaariicda horumarineed oo kordhay iyo Musuqii oo yaraaday.
10. Gobanimadii iyo Qabkii dawlad-nimo oo kordhay iyo far-gelintii shisheeye oo yaraatay.

B. Dhinacyada la dhaliilay lagana gaabiyey;
1. Amniga iyo dhismaha Ciidan qaran oo hanta amniga, ilaaliyana xuduudaha dalka oo bedela AMISOM.
2. Adeegyadii Bulshada ee daruuriga ahaa sida; Waxbarasho, Caafimaad, Biyo, Koronto, Jidad iwm oo aan wax badan laga qaban.
3. Dhismaha hay’adaha dawlada iyo kaadir hogaamiya oo laga gaabiyey.
4. Diyaarintii Dastuurka, Doorashada iyo Axzaabta Siyaasada oo dib u dhacday.
5. Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta dhaliila dawlada oo aan laga qeyb-gelin Talada dalka.
6. Dib u heshiisiinta iyo is dhex-galka Bulshada oo gaabis ah.
7. Wadahadalkii Somaliland oo dib u dhacay.
8. Fursadaha Xulafada iyo Isbahaysiyada cusub ee Gobalka iyo Adduunka oo aan si fiican looga faa’iidaysan.
9. Buuxinta Jagooyinka banaan oo daahday sida; Garsoorka, Wasiirada, Taliyaasha Ciidamada, Safiirada iyo Agaasime-yaasha, taas oo saameyn ku leh; Siyaasada, Amniga, Cadaalada, Diplomasiyada iyo Xiriirka, fulinta Mashaariicda iyo Hawl-maalmeedka Dawladda.

D. Hawlaha hor-tebinta leh Sanadka Cusub ee horyaal Dawladda;
1. Qabya-tirka Dastuurka, Doorashada iyo Axzaabta Siyaasada.
2. Horumarinta dhaqaalaha Dalka iyo xal u helida Deymaha Somaliya iyo Sameynta Lacag Somaali.
3. Wax ka bedelida Amniga iyo dhismaha Ciidan Qaran.
4. Balaarinta dib u heshiisiinta iyo xoojinta xiriirka gobalada iyo xal u helida kooxaha Siyaasada iyo Somaliland.
5. Balaarinta Adeegyada Bulshada iyo gaarsiinta Gobalada iyo Degmooyinka Dalka.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*