| | 457 views

Muslimiin ay Soomaalida kamid tahay oo a salaad roob-doon ah ka oogay magaalada Cape Town

CAPE TOWN, (SA) Kumanaan Muslimiin ah ayaa isugusoo baxay barxadda Masaajidka Quds ee Magaalada Cape Town ee dalkani Koonfur Afrika, iyadoo halkaasina lagu Oogay Salaad Roob-doon ah.

Isusoo baxani oo ahaa mid horey loogusii wargeliyey dhammaan Muslimiinta ku nool Magaalo-xeebeedka Cape Town oo ay Soomaalida qeyb ka tahay, ayaa waxaa Dadkii ka qeyb galay ay ALLE (SW) ka baryeen inuu Samada ka waraabiyo Addoomihiisa dhibaatada Biyo la’aaneed ku habsata ee ku nool Cape Town.

Boqolaal Soomaali ah oo u badan Culamaa’udiin, dhallinyaro iyo Ardayda Dugsiyada ayaa ka baxay Xaafadda Soomaalida ay degto ee Bellville.

Madaxweyne K/xigeenka Golaha Muslimiinta ee Koonfur Afrika (Muslim Judicial Council (SA), oo Salaaddii ALLE Bariga aheyd kadib fagaaraha ka hadlay, ayaa ugu horeyn ugu yeeray dhammaan Umadda Muslimiinta ah inay ALLAAH (SW) usoo noqdaan oo ay cabsidiisa badiyaan, islamarkaana ay Dambi-dhaaf waydiistaan, si uu Masdiibada Abaarta iyo Biyo La’aanta ah uu ALLE nooga qaado, isagoo tilmaamay in dunuubta oo badata ay dhaliso carro ALLE iyo masiibooyin Rabbaani ah.

Banaanbaxani Roob-doonka ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo keydka Biyaha ee Magaalada Cape Town ay Dowladda Koonfur Afrika shaaca ka qaaday inuu dhammaanayo 12-ka bisha Afaraad ee April 2018, kadib Abaar ba’an iyo Biyo yari baahsan oo halakaysay Gobalka Western Cape.

Abdulrazak IndhaJaceyl
Cape Town, South Africa.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*