| | 798 views

Xiisad ka dhalatay ciidamada Turkiga oo Afrin ku dilay haweeney caan ah

Degaano ka tirsan gobolka Afrin oo ku yaala xuduuda u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Suuriya waxaa ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan dadweynaha Kurdishka ah, kaddib markii ciidamada Turkiga ee halkaasi ku sugan ay dileen haweeney Kurdi ah oo si weyn looga yaqaano gobolkaasi.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Barin Kobani ayaa ku geeriyootay weerarka ciidamada Turkiga ka wadaan gobolka Afrin, iyadoo kumanaan ka tirsan shacabka Kurdishka ah ay ka dhigeen isu soo baxyo waaweyn saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Dadweynaha oo sita borar ay ku qornaayeen ereyo ka dhan ah ciidamada Turkiga iyagoo ku eedeynaya inay xasuuqayaan maleeshiyada Kurdishka ah ee dagaalka la galay kooxda la baxday IS ee ku sugan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

WARAR KALE

Meydka haweeneyda ay dileen ciidamada Turkiga oo naxash ku jira ayaa la marsiiyay waddooyinka, iyagoona dadweynaha bannaanbaxayay ay ku qeylinayeen inay u aar gudayaan 17-ruux oo rayid ah ayna ugu dambeysay Barin Kobani.

Muuqaallo naxdin leh oo uu soo bandhigay ninka ay u dhaxdo haweeneyda la dilay ayaa ku eedeeyay mucaaradka taageersan Dowladda Turkiga inay falkaasi ka dambeeyeen, waxay si cad u sheegeen ehelada gabadhaan oo ay ka mid tahay hooyadeed inay heystaan meydadka 17-ka ruux ee rayidka ah marka laga reebo gabadheeda.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*