| | 1,836 views

Maamulaha shirkadda ECCO oo war culus ka soo saaray dhulka danta guud ee lagu wareejiyay (Daawo)

Maamulaha shirkadda nadaafadda ECCO ayaa maanta war culus ka soo saartay muran ka taagan dhul dan guud ah oo sida ay sheegtay ay heshiis kula gashay maamulkii gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Maxamuud Yuusuf oo ah maamulaha guud ee shirkadda nadaafadda Muqdisho oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay dacaayado iyo warar been abuur ah oo laga faafiyay shirkaddiisa, isagoona soo bandhigay dokumenti caddeyn u ah sababta loo siiyay dhulkaasi.

“Waa nasiib darro anagu inaanu noqonno kubbad marba maamul uu yiraahdo anaga ma siinin dhul” ayuu yiri Maxamuud Yuusuf oo sheegay in maamulkii Yuusuf Madaale iyo midkii uu Guddoomiyaha ka ahaa Taabid Cabdi Maxamed ay u ogolaadeen in dhul dan guud ah laga siiyo degmo kasta hal xarun 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Madaxa shirkadda ECCO ayaa hoosta ka xariiqay in maamulada gobolka Banaadir ay isku tuur tuurayaan iyagu, taasi oo uu sheegay inay aad uga xun yihiin isla markaana waxa uu ka dalbaday madaxda Dowladda Federaalka ay ka daayaan dacaayadaha sumcadda looga dilayo shirkaddiisa.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada