| | 470 views

Magaalada Kismaayo maxaa ku soo aragtay?

Waa anigii dhawaan culimada kala qaybgalay kulan-cilmiyeed ballaaran oo magaalada lugu qabtay, labo toddobaadna soo joogey. Booqashadaas oo kale way habboontahay in wax laga yiraahdo muuqaalladii iyo dareenadii laga qaatay, talooyin iyo afkaarna laga bixiyo.

Haddaba inta aanan u galin wixii aan la kulmay iyo dareenkayga aan hadal guud ka iraahdo dadka iyo dalka aan booqday.

Kismaayo waa magaalo weyn oo taariikhi ah, dad badana u hanqaltaagaan inay dagaan, kana shaqaystaan.

Waxaa la sheegaa in gobolka Jubbada hoose isku darsaday bad, wabi iyo xoolo nool. Khayraadka gobolku intaas kuma koobnee shidaalka ku jira awgi waa tan la sheegtay baddii Soomaaliyeed, shidaal dhuleed iyo macaadin kalana kama marna.

Xagga ganacsiga dakad iyo garoon waaweyn baa ku yaal, waxaana la daris ah qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya ugu dadka badan, dakad dhuleed ku xiriirisa Kenya ayaa iyana u dhow. Dabcan dakad dhuleedka Itoobiya ku xiriirisana kama foga.

Waxyaabaha Kismaayo ay dheertahay magaalooyinka soomaalida badankooda waxaa ka mid ah kala duwanaanshaha dhalasho, midab, lahjad iyo qabiil ee dadka deegaanka oo haddii luqada cusub la raaco 4.5 baa ku dhan. Meelaha Kismaayo kaga hormari karto magaalooyinka kale waxaa ka mid ah qabiilka Baajuun oo aan lala wadaagin.

WARBIXINO KALE

Taa oo macneheedu yahay reer Kismaayo waxay dhaqan iyo dhalasho wadaagaan Soomaali oo dhan (Dirirdhabe iyo Jabbuuti ilaa Boosaaso ilaa Gaarisa iyo inta u dhaxaysa). Arrintaasna waxay magaalada iyo deegaanka Jubba oo dhan siinaysaa qiime dheeraad ah; waayo dal waxaa dhisa dad, ninkii dad ku dheerna waxbuu ku dheeryahay.

Intaa waxaa dheer in magaaladu hadda dagan tahay colaado badan oo isdaba-joog ah ka dib, nabadgalyadeeduna aad u fiican tahay.

Si kale haddii loo yiraahdo waa magaalo haysata fursado badan oo lugu xaqiijin karo horumar weyn laakiin su’aashu waxay tahay fursadahaas dadka deegaanka iyo Soomaalida kale ma ka faa’iidaystaan mise waa lugu faanaa kaliya?

Waa socotaa…

Diyaariye: Sh. Axmed Cabdisamad”

Email:lwaqaar@hotmail.com



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*