| | 604 views

Garaad Cali Sahal Oo Cabasho Ka Muujiyey Dhul Waqaf masjid ugu talogalay in lagu dhiso oo Looga Haysto Kismaayo

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada  juba-land ee magaalada kismaayo ee xarunta maamulka juba-land ayaa sheegay in lagaga haysto si sharci daro ah dhul cabirkiisu yahay 40 x 40 oo ku yaala xaafada far-jano ee magaalada kismaayo  oo uu iska lahaa islamarkaana  loo cabiray 1984 tii oo uu waqaf uga dhigay in laga dhiso masjid ay muslimiintu ku cibaadaystaan.

Garaad Cali Sahal C/laahi Ducaale oo kamid ah odayaasha dhaqanka gobolada juba-land ee waamo ayaa warbaahinta si dareen leh ugu sheegay inuu ka cabanayo dhul laga haysto oo uu waqaf uga dhigay in masjid laga dhiso islamarkaana uu si xoog ah uga haysto nin uu ku sheegay inuu yahay ciidamada poliska maamulka juba-land oo uu magaciisa ku soo koobay Cabdi Xashi.

Sidoo kale Garaadka ayaa cod dheer ku sheegay isagoo dareen murugo leh laga dareemayo inuu askarigaas garab xoog leh ka haysto taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Jubada Hoose Col C/Naasir islamarkaana saxaafada u cadeeyay in dacwadu ay gaadhay maamulka Juba-Land madaxdiisa sar sare isagoo sheegay inuu gaashaanka u daruuray amarkii kasoo baxay madaxda sar sare ee Juba-Land  Col-C/Naasir waa siduu hadalka u dhigaye oo  si toos ah garab u siinaya askarigaasi oo uu sheegay inay isku hayb yihiin.

Garaad Cali Sahal oo ka mid ah odayaasha sida weyn looga yaqaano goboladaasi gaar ahaan magaalada Kismayo ayaa sheegay inuu haysto Dukumentiga dhulkaasi oo cabirkiisu yahay 40 x 40 m islamarkaana uu waqaf uga dhigay in laga dhiso masaajid ay ku cibadaystaan dadka muslimiinta ahi isagoo umada Soomaaliyeed gaar ahaan madaxda sar sare ee maamulka juba-land kuwa Dowladda Soomaaliya iyo  cid kasta oo ka damqanaysa dulmiga lagu hayo sheegay inay u soo gurmadaan

 

Ma aha markii ugu horaysay ee cabasho noocan oo kala ah ka timaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, iyadoo tiro ka dhowr jeer ay ka dhacday magaalada Kismaayo, islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabatay dhul boobka ay ku hayaan dadka kasoo jeeda haybta Madaxweyne Axmed Madoobe.

 



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*