| | 539 views

Tartanka Shatrinjiga waaxyaha oo lagu soo gebogabeeyay degmada Kaaraan+Sawirro

Tartanka oo socday muddo saddex maalin ah waxaan ka qeyb galay Shanta waax ee ay ka kooban tahay degmada Kaaraan, Wajeer, Nageyle, Jamhuuriye , Jabuuti , iyo Fanoole iyo tartame ka socday maamulka degmada, waxaana xafladda xeritaanka kasoo qeyb galay , masuuliyiin ka socotay Xiriirka Soomaaliyeed ee Shatrinjiga, Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir.

Tartanka oo si xiiso muddo saddex maalin ah uga scoday xarunta degmada kaaraan waxaa kama dambaysta usoo baxay oo kuloolamay Cabdalla Cumar Cali oo waaxda Faanoole ku mtartamayay iyo Guddoomiyaha Degam Kaaraan Cabdifitaax Nuur Xaaji oo maamullka Degmada u tartamayay, waxaana kadib ciyaar xiiso leh tartanka ku guuleystay guddoomiyaha degmada Kaaraan.

Guddoomiyaha Ciyaaraha Shatrinjiga Gobolka Banaad Maxamed Axmed Nuur ( Maxamed Carab ) isla markaana kamid ah ciyaartoyda heer qaran e Shatrinjiga oo markii ay ciyaarta soo idlaatay goobta ka hadlay ayaa mahdc elin usoo jeediyay maamulka degmada kaaraan oo sameyay tallaabo ku dayo mudan degmooyinka ee gobolkana ay ka doonayaan sidan o kale si loo helo ciyaartoy mutaqbal wanaagsan ku yeesha ciyaarta Shatrijiga.

Kaaliyaha Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shatrinjiga Cabdulqaadir Nuur Butis oo dhankiisa tilmamay in ay sanadki hore ay xiriirka xoogga saarayeen dhanka iskuulada sanadkan ay doonayaan in howlo ballaarab oo horumarinat Shatrinjiga ka qabtaan degmooyinka gobolka iyagoo kaashanaya maamulka isboortiga Gobolka tartanka uu bilow wanaasgan u yahay qorshahaas.

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish ayaa dhankiisa tilaamay in maamulka Gobolka ay ka go’an tahay in ay soo nooleeyaan isboortiga dalka qeybihiisa kale duwan kaasoo burbur ballaaran uu kuyimid 1991-kii, waxuuna mahadc elin usoo jeediyay maamulka iyo madxda isboortiga degmada kaaraan odor muhiim ah ka qaato horumarka isboortiga dalka.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Cabdifitaax Nuur oo xaflada soo xeray ayaa sheegay in tartanka Shatrinjiga uu ahaa mid aad u xiiso badan ujeedka ay ka maamul ahaan uga qeyb galeena ay tahay in la muujiyo in mamulka Isboortiga wax ka yaqaano isla markaana uu soo dhexgalo shacabkiisa qeybaha kael gedisan.

Guddoomiyaha oo ciyaarta Shatrinjiga ciyaarayay tan 1998 ayaa dhanka kale mahad celin usoo jneediyey qeybaha kale gedisan ee isboortiga degamda sida wanaasgsan ay isugu holween horumarinta isboortiga degmada, waxuuna ballan qaaday in taageero buuxda ay ka heli doonaan xafiiskiisa.

Gegogabadii waxa halkaas lagu bixiyey abaalmarinada ka qeyb galayaasha tartanka kaalmaha hore ka galy iyo qaar kamid ah maamulka degmad aoo tartanka dheeri gelin wanaagsan u sameeyay intii uu socday, sidoo kale waxaa shahaado sharaf gaar ah la guddoonsiiyey Madaxa Shatrinjiga degmada Cabdullaahi Xasan Cali kaasoo lahaa abaabulka iyo isku dabaridka tartankan.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada