| | 406 views

Masar iyo Itoobiya oo ka Wada Hadlaya Arrinta Wabiga Nile

Ra’isul wasaaraha Itoobiya,Hailemariam Desalegn, ayaa booqasho laba maalin qaadaneysa ku tagey magaalada Qaahira ee dalka Masar, Arbacadii shalay.

Waxa uu kulan la leeyahay madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi, kuwaas oo kawada xaajoonaya muranka labada waddan ka dhaxeeya ee ku aaddan biyaha wabiga Nile iyo biya xireenka Itoobiya ee ay Masar ka baqeyso inuu hoos u dhigo qeybtii ay ka heli jirtay biyaha wabiga.

Xuseen Saxnuuni Cusmaan Xuseen ayaa warbixintan ka soo diray Qaahira.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*