| | 269 views

Haya’daha Unicef iyo Save the Children oo Walaac ka muujiyay dad Barakacayaal Xeryahooda laga saaray

Unicef iyo Save the Children ayaa warbixin ay ka soo saareen dad ku soo barakacay duleedka Muqdisho oo dhawaan laga saaray xeryahoodii oo ku yaalay degmada Kaxda ee Gobolkan Benaadir.

Warbixintan sida wadajirka ah ay u soo saareen Unicrf iyo Save the Children ayaa Labada hayadood waxay ku sheegeen in kumanaan Barakacayaal ah mar kale dib looga barakiciyay guryahoodii iyagoo walaac xoogan ka muujiyay xaaladda dadkaas.

In ka badan 4-kun oo qoys ayaa la sheegay inay meesha ka baxday agabyadii nolosha iyo deegaankii ay daganayeen, iyadoo dadkaasi deganaayeen deegaanka KM13 lana barakciyay 29-30 bishii December ee sanadkii hore ee 2017-kii, iyaga oo u badnaa haween iyo caruur la daalaa dhacayay adeeg yari ka taagan xaryaha barakaca ee gudaha dalka ka jira.

Hayadahan ayaa walaac ka muujiyay in caruurtaa ay dib u helaan tacliintii iyo in kale waxayna ugu dambayn soo jeediyeen in loo baahan yahay in caruurtan iyo qoysaskooda laga caawiyo sidii ay uheli lahaayeen adeegga caafimaadka iyo nafaqeynta, biyo nadiif ah, nadaafad iyo Waxbarasho.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*