| | 439 views

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka oo dhuusamareeb lagu xiray.

Wararka laga helaayo Degmada Dhuusmareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa-banaan ee Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaciil Ibraahim.

Xaliimo Yarey ayaa waxaa dhuusamareeb ka qabtay Ciidamada Ahlusunna, iyadoo la sheegay in la geliyay Xabsi guri, oo ku yaala dhuusamareeb, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamo iyada Ilaalo u ahaa hubka laga qaaday sidoo kalane la xiray.

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan ka hadlayn xerageeda, balse Saraakiil ku sugan Dhuusamareeb ayaa arintaan u xaqiijiyay warbaahinta.

Dhankakale Lama oga sababta ka dambeysa xeriga Xaliimo Yarey, balse xerageeda ayaa ku soo beegmaya xilli ay maanta ka degtay magaalada Guriceyl ee Gobalka Galgaduud, iyadoo ciidamada Ahlu Sunna sidoo kale ay xalay xireen dhowr dumar ah oo ay magaakadaasi ka qabteen.



Taaj Expess