| | 530 views

Ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan oo la wareegay Qarax ka dhacay gudaha Guri lagu diyaarinayay Qarax

Waxaa Xalay saqdii dhexe Qarax xoog leh uu ka dhacay guri ku yaala degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, qaraxaas oo la sheegay in lagu diyaarinayay Gurigaasi oo ku dhow Xarunta Degmadaas.

Saraakiisha amaanka degmada Kaaraan ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe in ay maqleen dhawaaqa Qarax culus oo ka dhex dhacay Guri u dhaw xarunta degmada Kaaraan, kadibna ay la wareegeen Gurigii qaraxa ka dhacay iyo dad ku sugnaa Gurigaasi.

Wararku waxay sheegayaan in dadkii daganaa Gurigaasi ay qaarkood ka baxsadeen ka hor inta aysan Ciidanka soo gaarin, balse qaar ka mid ah ayaa la qabtay, sida ay sheegayaan Ciidamada ammaanka.

Dhanka kale ma jirto wax dhimasho iyo dhaawac ah oo la sheegay inuu qaraxaasi sababay, Waxaan qraxayada noocaan ah ay ku soo badanayaan kaaraan, sidoo kale waxaa degmadaasi ka jira Maleeshiyaad ka wada xiliga habeenkii ah dadka degmadaasi u gaysta, iyadoo dhowr jeer gawaari iyo Mootooyin halkaasi lagu dhacay, waxaana habeenkii degmadaasi caadi ka noqotay dhawaqa rasaasta iyo Guryaha dadka oo loo dhaco.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*