| | 608 views

Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Gobollada Bari iyo Nugaal+Sawiro

Qardho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa si dirran ugu soo dhaweeyey Qardho kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa waxa uuna ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

“Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taagerdiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dhagax dhigay dhismaha faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Qardho oo ay hirgelinayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro heer Federaal ah iyo heer Gobolleed, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ah socdaaka nabadda ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*