| | 403 views

Tallo jeedin, la igu eedeeyay!!

Subaxdaan 10-1-2018.Nin ayaa i weydiiyay,maxaad kula talin lahayd madxda Qaran ee Garowe Ku sugan?

Waxaan ku iri: waxaan kula talin lahaa, waxaad joogtiin Garowe waxaad ogtihiin in Tukaraq dagaal ka socdo, waxaad maqleeysiin abaabul dagaal iyo makroofano lala wareegayo magaalada kuna baaqaya dagaal, Weli ma maqal iyaga oo nabad ku baaqaya.

Waxaan kula talin lahaa ku baaqa nabad iyo in la joojiyo colaada,u sheega shacabka in xabaadda la amrayo inay ku ridaan wallaalkood ama la isku sawirayo inay iyaga ku soo noqon karto, ( fiiri sawirada 1&2aad) . colaadu in walaal ku dhinto ,cadawna ku farxo ayeey leedahay.

Haddeyna ku dhawaaqin madaxdu nabad waxaa loo qaadanayaa in colaada ay dhinac ka yihiin.

Wuxuu igu yiri nin:Qaran dumis ayaa tahay.

Niyad wanaag ayay iga ahayd, madaxdu nabad ha ku baaqdo, walaalkaa dil haddii lagu yiraa,adigaa is dilay.intaas miyaa Qaran dumis lagu noqdaa mise waa qaran dhisid.

jawaabtaasu ma i qabataa???.

Qore: Yahya Amir.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*