| | 791 views

Kuwait oo Mashaariic horumarineed ka fulineysa Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo safar shaqo ah ku jooga dalka kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, kaas oo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday  Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabullaahi Farmaajo, kuna socday amiirka dalkaasi.

Wasiirka ayaa ugu horeyn waxuu warbaxin ka siiyay wasiirka arrimaha Diiwaanka Horumarka dowladda Soomaaliya ay sameysay iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait.

Mudane Jamaal Maxmaed Xasan ayaa Dowladda Kuwait ujeediyay in mashaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan, taas oo shaqo abuur u noqanayso dhalinyrada Soomaaliyeed, qeyb wayna ka qaadan doonta horumarka dalka.

Wasiirka arrimaha Diiwanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, ayaa balan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona amiirka dalka Kuwait, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan mashriicada horumarineed ay u baahan tahay, iyaddoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.

Dhinaca kale Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Harumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay shirka madaxda Wasaaradaha Qorsheynta Wadamada Carabta oo dalkaasi maanta ka furmay, waxaana shirkaasi oo socon doonaa muddo labo maalin ah.

Waxyaabaha diiradda lagu saari doono shirkaasi waxaa ka mid ah howlaha shaqo ee la qaban doona sanadan iyo sare u qaadista tayada hay’addaha dowladaha carbeed oo ay ka mid yihiin tababaro kala duwan oo la siinayo dhammaan shaqaalaha Dowladaha carbeed.

Wasiir Jamaal, ayaa shirkaasi maalinta barri ah ka jeedi doona Khudbad uu kaga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo doorka Soomaaliya kaga aadan waxybaaha sanadkaan la qaban doono.



Taaj Expess