| | 914 views

UBAROORASHO XIL-WASIIREED QARAN OO LA ISKA QAADAY!

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

XILALKA LA ISKU BADALAY MAXAAKEENAY?

Ugu horeyn sida dadka xikmada usaaxibka ahi fahmikaraan, waxaa dabcan muhiim noqotay in lahelo wasiir Arimo Gudo, oo dhana dowlada matala, oo waxbadan dowlada kaxigsadoo kaxaliya, dhanna lawata shaar-beeleedka nimankan intooda ugu badani isku beesha ah, ee dowlada kukacsan, misana beel dhan in eey qaab qabyaaladeeysan dowlada ugu kiciyaan raba. Mar hadii xilkaa muhiimka ah  (Arimaha Gudaha) lamagacaabo, si loo ilaaliyo isudheelitiranka beelaha, waxaa qasab noqoneeysa in beeshii lagaqaaday wasiirkaa muhiimka ah lasiiyo midkaloo muhiim ah, maadaama dhanka kalana; isla wasiirkii hayey Arimaha Gudaha aan loowareeginkarin Arimaha Dibada, maadaama khibradiisii ugu badneyd aheyd gudaha, heer gobol iyo markan oo uu heer Federaal ahaaba, waliba khaasatan iyadoo lahelayo diblomaasi uga haboon oo isla beeshaa ah, ayaa sidaa daraadeed waxaa ladoorbiday in sidaa wax lagu xaliyo. Wasiirad Khadra iyada xaalkeedu dhib malaha oo waa “Barakaatna udhiibo, Barakaatna kaqaado”. Marka shaxda waxaa lagu raadinayaa xal guud’e, shaqsiyaad weey ka weyn tahay,Raysalwasaarahana xaq buu uleeyahay.Waa hadii caqligu shaqeeynayee.

UBAROORASHADII XILKII LA ISKAQAADAY!

Intaa kabacdi aqristaha sharafta badanoow, Sideedaba qofka shaqsiyadiisa waxeey soobaxdaa marka wax uudhibsanayo dhacaan.Ama wuxu muujiyaa shaqsiyad-wanaag iyo biseyl, ama xumaan ayuu walaaqdaa. Ogoowna bini’aadamka waxaa inta badan lagula dardaarmaa, in eeysan lahadal saxaafada, ficil iyo go’aanna midkoodna qaadan, marka eey aad uxanaaqsan yihiin, ama aad ufaraxsan yihiin, oo dareenkoodu kacsan yahay, maxaayeelay khaladaadkooda ayaa badan kara.Xilku sidiisaba waa meerto, dalkana waa lawada leeyahay, maanta mid haya xil-qaran ayaa beri weeynaya, mid aan maanta heyna beri ayuu helayaa haduu EEBE uqoro, balse waxaa muhiim ah in aad wado sharaf lehna kuraadiso, marka aad katageeysana wado sharaf leh uga tagto.

Sadexda wasiir ee xilka laga qaday, oo labo rag yihiin, midna dumar tahay, aad beey ukala duwaneyd qaabka eey uga wada hadleen. Wasiirad Khadra wax xumaan ah masheegin  illaa iyo hada. Nasiibdarro! Labadii wasiir waloow eey kala roonaayeen, hadana dhiiqo ayey dhexfadhiisteen, midba ha ugusii darnaadee.

WASIIRKII HOREE ARIMAHA GUDAHA: JUXA

Wuxuu bartiisa Facebook-ga kuqoray, warbaahintuna kawada qaadatay sidan: “Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda………,idaacaddaha ka ogaaday in xilkii la iga qaaday”

Inkastoo uu aad gadaal uga qurxiyey, oo ereyo farabadanoo wanaag ah gadaal uga “Saan-tirtay”, oo guud ahaan wax wanaag umuuqda dadka aan waxbadan fahmi karin uga dhig isyiri, hadana calaacalka ah in isagoo airport-ga jooga uu maqlay in xilka laga qaaday, oo Facebook-ga uu kusoo qoray, sidii in dadka Facebook-ga isticmaala kursi-wasiireed usoocelinayaan, hadafkuu kalahaa wuxuu ahaa, ijaafeynta madaxda dalka, ee shalay xilkaa culus ku aaminay, ee awalba Soomaalida kadhex xushay in eey isaga taariikh-siyaasadeedka noloshiisa markii ugu horeeysey, gaarsiiyaan darajo wasiir heer qaran ah (Federal level).

Nasiibdarro! Wasiirkii horee Arimaha Gudaha iyo kan aan hoose uga hadlidoonee Arimaha Dibadda, midkoodna shalay iyo maantaba nooma sheegin markii horee xilalkan loomagacaabayey qaabka eey kuheleen , iyo sida loogu dhiibey xilka. Tusaale: In afka looga sheegay ookaliya markii hore, iyo in si toos ah loola kulmay inta aan lamagacaabin oo wareeysi laga qaaday (Job interview), iyo in iyagoo airport-ga jooga sidan ookale, ama shaqo madaxda udirtay kumashquulsan, eey maqleen qof Mareeykan hakasoowoco, ama Idaacadaha haka maqlaane, in xil wasiir heer qaran ah loomagacaabay toona! Malaha markaas dhib malaha, oo dood kama taagnoo xaalku waa wasiirbaa lanoqday, balse marka xilkan meertada ah la iskaqaado unbaa dadka qaar afka furtaanoo, xumaan lawareegaan. Xaqiiqdiise waa fal aad uliita, kaasoo madaxda maanta joogta, iyo kuwa imaandoonaba u iftiiminaya qaab-dhaqanka shaqsiyaadka nuucaa ah.

Sideedaba sida dhaqanka xirfad-wanaagsa ah (The professional way) waa marka qofi uu katagayo shaqo qaran iyo mid shirkadba, inuu wanaag kusagootiyo dadkuu lashaqeynayey iyo kuwii uu ushaqeeynayeyba, illeen wuxu waa aduunyee.Sidaa si lamid ah, waxaa labadoodaba kuhabooneyd, una wanaagsaneyd, in eey sharafta kaxigaan, wanaag iyo gobnimana muujiyaan, ereyo wanaag, mahad-naq, dhiiragalin duco iyo kheyr-urajeyn dowlada iyo guud ahaanba dalka iyo dadka Soomaaliyeedna ku kaaftoomaan, mase dhicin. Nasiibdarrose! Talose waa inteey kula simantahay.

WASIIRKII HOREE ARIMAHA DIBADDA:Y.GARAAD

Waxaase ugu darnaa wasiirkan, oo ummad farabadani qabeen in uu markii horeba kuhaboonaa inloodhiibo wasaaradawar-Faafinta, khibrada uu uleeyahay kashaqeynta qeyb ka mid ah saxaafada (Idaacado) darteed.Wuxuu blogg uu wax kuqoro, qormo dheer kaqoray xil kaqaadistii lagu sameeyey, Facebook-giisana kusoo daabacay (share-gareeyey). Si uu marka hore dadka qaar u indha-sarcaadiyo, wuxuu ku bilaabay: “Haddii aad qormadaan u akhrineyso in aad ka hesho war dowladda ama madaxda Qaranka dhaawaca, fadlan halkan ku jooji”. Muxuuse daba dhigay?

Waloow uu qurxi is yiri, oo wixii xumaan ah qoraalka si farsameeysan ugu kala firdhi/kala baahi, si wanaag ookaliya loogu wada qaato, hadana qofkii qaabka wax looqoro wax uun kafahmaya, misana indhafuran, iyo caqli wax kala sifeyn kara ku aqriya, wuxu ka dheehan karay, caro xoogan, eedeeyn iyo waliba weerar ba’an, oo uu kuqaadayo madaxdii qaranka ee shalayba xilka qarane culus, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kaloo Soomaali oo dhan ah, isaga uga xushay.

Waxyaabihii uu qormadaa ku qoray waxaa ka mid ahaa sidan: “……waxaan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray …… hase yeeshee qof ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku ayaa ii sheegay in xilka la iga qaaday…”. Wuxuu ereyadaa madaxda qaranka ku weerarayaa, oo uu kuceebeeynayaa in eey yihiin kuwo qaab-dhaqankoodu foolxunyahay, oo ah “unprofessional”.Wuxuu meel kale kucataabayaa, kuna muujinayaana in uu jeclaan lahaa, rajana kaqabay in uu kursiga kusiifadhiyo inta uu Madaxweeynaha xilka siihayndoono, sidaana Madaxweeynaha uballanqaaday, balse looga baxay, waloow uufarsameeyayoo qurxiyey, wuxuu yiri: “Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa”.

Qoraalkiisa qeyb kamid ah waxaa sido kale lamoodaa in uu si aan loobaahneyn, oo dadban ugu weerarayo, wasiirka cusubee Arimaha Dibada, ee isaga lagu badalay, oo ah Danjiraha Dalka Mareeykanka inoo fadhiyey inta aan lamagacaabin, wuxuu leeyahay: “……markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed, oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin, ee isaga oo caasimadda jooga…..la magacaabo”. Malaha isma ogee, isagaba waa shaqsi heysta baasaboor Ingiriis ah, halka uu kumagacoownaa, ee looga baahnaa in uu ummada ugashaqeeyana waxeey aheyd dibadda, Qaramada-Midoobay (The UN).

Meel kale wuxuu ku weerarayaa dowladii uu katirsanaa qaabka eey wax umaareeysey, wuxuuna muujinayaa sida uu ugu khilaafsanaa.Wuxuu kadhigayaa in arintu udhexeeysay dowlada iyo beel dhan, oo sheekh iyo shaabba leh, oo aaney udhexeeyn dowlada iyo shaqsiyaad koobanoo mucaarad ah, beelba ha ubadnaadeene, ama “Qaran-Dumis ah” waa sida dadka qaar ugu yeeraane.Intii uu xilka hayey magaran in uu arintaa darteed isaga casilo xilka, sheegana in uu arintaa darteed isaga casilay.Wuu iskala aamusayoo bannaanka makeenin iscasilaad kadib, maanta oo xilka lagaqaaday ayuu beel ku xodxodanayaa, si mustaqbalka eey helitaan jago kale ugu taageeraan. Wuxuu sidoo kale isu muujinayaa in garashadiisu kasareeyso guud ahaan tan xukuumada, iyo tan beeshaaba, oo talooyin uu arintaa kabixiyey, oo markii hore lagadiiday dib loogu qasbanaaday in lagaqaato, wuxuuna yiri: “Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya ahayn oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan……. marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirkii dani tiri”

Wuxuu madaxda qaranka meelkale kuweerarayaa fudeyd, oo ah waxa inbadanoo mucaaradka ah kuweeraraan madaxda maanta joogta. Wuxuuna leeyahay xil kaqaadisteeydii weey kufududaadeen, oo ma aheyn in xilka eey igaqaadaane, waxeey aheyd in eey iisiidayaan, aan siiheystee, oo wuxuu qeyb damboo qoraalkiisa ah kuleeyahay: “Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in…………. ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda”.

Qeybta gunaanadka qoraalkiisa waxaad moodaa in uu leeyahay mushkilada ama cillada ugu weeyn ee Soomaaliyaba heysata in eey tahay, xilalka ugu sareeya oo eey qabtaan dadaan xilalkaa mudneyn ama aqoon qaabkii dalka eey umaareynlahaayeen, kadibna markasta xilalka inta udhiiba kuwa mudan sidiisoo kale, nasiibdarro! Hadana mudo gaaban ugaqaada, oo wuxuu leeyahay, “Waxa iigu weyn ee aan ka kororsaday adeegga Qaran, ee aan hayay waa in uu ii kordhay fahamka cilladda haysata Dowladnimada Soomaaliya”. Wabillaahi Toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa.Al-Madinah International University.abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada