| | 731 views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo fariin u diray mucaaradka dowladda (Dhageyso)

Raiisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa fariin wuxuu u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, xilli muddooyinkii dambe ay jireen siyaasiyiin kala duwan oo dowladda dhaliilaayay.

Xasan Cali Khayre, ayaa wuxuu sheegay dhaliisha wax dhiseysa inay soo dhaweynayaan, balse ay ka digayaan dhaliilahaha danaha shaqsiga ku jirto ee shacabka Somaliyed aysan dani ugu jirin.

Khayre ayaa wuxuu tilmaamay inaysan marnaba diideyn dhaliil u tilmaamaysa wadada wanaaga, ayna u baahan yihiin dhaliilaha noocaasi ah ee wax lagu toosiyo.

Xasan Cali Khayre ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray in dowladda Somaliya ay ku ad adag tahay nidaamka iyo shuruucda dalka u yaallo, aysana raali ka ahaaneyn in lagu xadgudbo.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*