| | 724 views

WAR-SAXAAFADEED Kasoo Baxay Xafiiska Xisbiga (SDP)- SWEDEN

Xisbiga Dimuqradiyadda Soomaaliya (SDP) Waa Xisbi Siyaasadeed oo Madax-banaan Kana Shaqeeya Arimaha Siyaasadda, Dimuqradiyadda, Cadaaladda, Difaacidda Dadka u Dhaq-dhaaqa Siyaasadda Soomaaliya, Nabada. Xisbiga Fadhagiisu Waa Dalka Sweden.

Qorshayaasha Xisbiga (SDP) Waa Sidii Dalka Looga Sameyn Lahaa Dib-U heshiisiin Baahsan, Wax ka Qabashada Arimaha Bulshadda, Dhaqaalaha, Hiddaha Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Caafimaadka, Waxbarashadda, Dhowrista Xaquuqul Insaanka, Xoriyadda Hadalka iyo Qoraalka, Hormarinta Dalka, Ganacsig, Ka Hortaga Musuq- Maasuqa, Qabyaalada, Sare Uqaadidda Arimaha Siyaasadda Dalka Iyo Dibadda, Arimaha Gobolka Afrika iyo Xiriirka Siyaasadda iyo Diblomaasiyadeed Ee Soomaalida Kala Dhaxeeyo Dowladdaha Caalamka.

SWEDEN Taariikhda 31 December 2017, Xisbiga Dimuqradiyadda Soomaaliya (SDP) Ayaa Si Weyn U Cambaareeyay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo Weeraray Guriga Senatorka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Ahna Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Ee  Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Ayadoo lagu Xadgudbay Xanaanadii Uu Lahaa Senatorka Oo Ka Tirsan Barlamaanka Aqalka Sare Ee Dolwdda FedeKa Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xisbiga (SDP) Mudane Mataan Ali Waxaan Aad Iyo Aad Uga Xunahay Ficilkaan Foosha Xun Ay Kula Dhaqmeen Ciidamada Calooshood u Shaqeystayaalka Dowlada Federaalka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Isagoo Xasaanad Leh In Labaaro Gurigiisa Oo Gudaha Loo Galo  Waardiyaashii La Xir-Xiro Albaabadii La Ja-Jabiyo Oo Cabsi Iyo Aragagax La Galiyo Qowyskiisa Lagana Qaato Taleefanadooda Iyo Agab Kale.

Xisbiga Dimuqradiyadda Soomaaliya (SDP) Waxaan ugu Baaqaynaa Xukuumadda Dowlada Federalka Soomaaliya In Cadaaladda La Horkeeno Ciidamadii Ka Dambeeyay Weerkaan Arga-gixisadda ah Ee Loo Geystay Senator Cabdi Xasan Cawaale  Xaaskiisa iyo Caruurtiis Iyo Saraakiisha Ku Lugta Laheyd Maadaama Dowlada Federalka Laga Rabo In Ay Ka Shaqyso Cadaalada iyo Horumarka si looga Baxa Dhibaatada Xilligan Ka Jirta Soomaaliya.

 

Xisbiga Dimuqradiyadda Soomaaliya (SDP) Ayaa Si Weyn Uga Wal-walsan Xaaladda Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya Iyo Sida Uu Uga Hadlay Taliyihii Hore Ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Gen Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay in Muqdisho Ay Joogaan Ciidamo Badan Oo Aan Dowladdu Maamulin Balse Ay Maamulaan Dowlado Kale Oo Ciidamadaas Tababaray.

 

Gudoomiyaha Xisbiga (SDP) Mataan Ali Waxaan Wada Og-soonahay  in Muqdisho Ay Joogaan Ciidamo Ay Maamulaan Dowlado Shisheeye oo Ay Ka Mid Yihiin Imaaradka Carabta Turkiga, Maraykanka Iyo AMISOM , Sidoo Kale Gudoomiyaha Xisbiga (SDP) Mataan Ali Ayaa Ka Digay In Ciidamada Dalalka Shisheeye Ay Maamulaan Kana Amar Qaata Isla Markaana Siiyaan Mushaarka iyo Saadka Inay Noqon Karaan Kuwo Calooshood u Shaqeystayaal ah Oo Dhibaateeya Madaxbanaanidda, Midaasna Ma,ahan Mid Lagu Gaari Karo Dowladnimo Ama Lagu Damaanad Qaadi Karo Ilaalinta Madaxbanaanidda Dalka, Diinta Iyo Dadka.

DHAMAAD

 

SDP- Somali Democratic Party

SDP- Somaliska Demokratisk Parti
Orgnr: 802510-4145.

The Chairman of SDP
Mr. Mataan Ali Hassan
Mobil: +4673-7893239– Sweden.
E-mail: mataan39@outlook.com



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*