| | 526 views

Madaxweyne Farmaajo iyo Senator Qaybdiid oo xalay ka wada hadlay Weerarkii Gurigiisa ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda

Wararka laga helaayo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegaya in xalay xafiiskiisa ku qaabilay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ay shalay Gurigiisa weerarayn Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu Cabdi Qaybdiid ka dhageystay sida uu u dhacay weerarka iyo dhibkii gaaray Qoyskiisa iyo Hantidii Guriga u taalay, waxaana la sheegay in Senator-ka uu soo bandhigay dhibaatooyin hor dhac ah oo weerarkaasi ka dhashay.

Gen. Cabdi Qaybdiid ayaa Madaxweynaha u sheegay in sharci darro ay aheyd weerarkii lagu qaaday Gurigiisa,islamarkaana Qal qal la giliyay caruurtiisa iyo jirdil uu sheegay in xaaskiisa ay u geysteyn Ciidankii weerarka qaaday sidoo kale Senator-ka ayaa sheegay in Hanti badan la bur buriyay lana qaatay qaar kale.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Qaybdiid inuu ka xun yahay falkii dhacay, loona xilsaaray Guddi soo baara kiiskaasi, sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii falkaasi fuliyay iyo Ciddii soo amartay intaba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu yiri waa lagu raad joogo shaqsiyaad la tuhmayo inay wax ka abaabulayn weerarkaasi, sida laga helaayo Xafiiska Madaxweynaha, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen in jawiga siyaasadda la dejiyo lagana war sugo Guddi uu hogaaminayo Taliyaha Xoogga Soomaaliya oo arintaan ku jira, waxayna labada dhinac isku raaceen cid kasta oo arintan ku lug yeelata in laga qaado talaabo adag sharci ah.



Taaj Expess