| | 644 views

Maamulka Jubbaland oo sheegay inay qabateen qarax Miinooo loo waday Dowladda Kenya.+Sawiro

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay qabteen Qarax Miino oo loo waday dalka Kenya, kaas oo lagu qabtay duleedka degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi ay ku qabteen Hawlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Jubbaland, iyagoo ciidamadu u suurtashay inay ka hortagaan qaraxaasi oo la rabay in gudaha Kenya la galiyo.

Taliyaha ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay xog dhanka amniga ku saabsan oo ciidamada ay heleen inay ugu suuragashay soo qabashada qaraxaasi.

Dhanka kale Masuuliyiinta Jubaland ayaa ku ammaanay Saraakiisha ciidamada sida wanaagsan ee ay ku soo qabteen qaraxaasi iyo dadkii maleegayay, iyadoo magaalada B/Xaawo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaa Wasiiro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Jubbaland.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada