| | 759 views

Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horaysay ka hadashay kala Iibsiga Xayawaanka Diin-Diinka

Waxaa maalmahaan dambe Magaalada Muqdisho ku soo badatay hadal haynta ah in Diinka ama Diidiinka uu noqday Qaali, iyadoo qaybaha kala duwan ee Bulshada ay si wayn u hadal hayaan sheekada ku saabsan kala iibsiga Diinka.

Maxamed Cumar oo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa Warbaahinta u sheegay inay tahay Sharci daro kala iibsiga Xayawaanka Diidiinka, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono cidii lagu arko.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada Ammaanka ay il gooni ah ku eegaan Kontooradda laga soo geliyo Diindiinka Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ajaanib ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan qorshaha uu qaaliga u noqday Diinka, waxayna dantooda tahay inay qalaan, kadibna ay ka soo dhex saaraan Jawharad ay ku iibsanayaan qarash badan.



Taaj Expess