| | 1,820 views

Xogta weerarka guriga Gen Cabdi Qeybdiid

Sida warka nagu soo gaaraayo ayaa waxaa ay sheegayaan, waxaa jiray ciidamo ka tirsan xooga dalka oo ay tababareen imaaratku, dhowr bil ka hor ayaa waxa kala wareegay dowlada soomaaliya. Waxaa loo reebay ciidamo yar oo waardiye ka noqda safaaradda, waana kuwaas ciidamada saaka weeraray Guriga Senator Cabdi Qaybdiid.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro qof kasta oo ku lug lahaa weerarka lagu qaaday guriga Senator Qaybdiid.

Sida xogta lagu helay Sirdoonka imaaratka ayaa qorsheeyay in dilal qorsheysan laga fuliyo wadamo badan oo dhex dhexaad ka noqday khilaafkii wadamada khaliijka, waxaa ka mid ah wadamadaas Urdun, Tunis, Somalia iyo Sudan.

Dowlada Urdun ayaa sidoo kale maanta xaqiijisay in ay fashilyeen dil qorsheysan oo lala damacsanaa Boqorka Urdun Boqor Cabdalla. Dhinaca soomaaliya ilaa shalay waxaa soo baxayay in sirdoonka imaaratku diyaariyeen dilal qorsheysan oo laga fuliyo gudaha wadanka.

Weerarka Gen. Qaybdiid, wuxuu ahaa mid qorsheysan oo ay doonayeen imaaratku in lagu khaarijiyo, iyagoo adeegsanaya ciidamo soomaali ah. Faa’iidada ugu jirta waa in la iska horkeeno shacabka soomaaliyeed iyo dowlada.

Hagardaamada imaaratku ka wado wadamada islaamka maaha mid qarsoon, waxana looga gudbi karaa isku duubni shacab iyo dowlad.

W/Q: Muhammed Hassan Warsame





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada