| | 370 views

Bayaan laga soo Saaray Colaada Gobolka Sool

Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Oo Ay Hurmuud Ka Yihiin Culimada Somaliyeed Ayaa Baaq u Diray Dad Walaalo Ah Oo Shaqaaqo Ku Dhex Martay Deeganada Qoriley Iyo Gumburka Cagaare Ee Gobalada Sool Iyo Nugaal Ee Puntland.

Kulankan Ay Xubnaha Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ay Iskugu Yimaaden Waxay Ku Muujiyeen Inay Ka Xunyihiin Colaadan Soo Laa Labatay Ayna Ku Dhimanayaan Dad Hormuud U Ah Bulshada.

Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur Gudomiye Ku Xigeenka Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ku Baaqay In Dhiiga Daadanaya La Joojiyo Nabadana Laga Wada Shaqeeyo.

Sheikh Maxamuud Faarax Bille Ayaa Dhankiisa Warbaahinta Ugu Baaqay Inaysan Buun Buunin Shaqaaqadasi Waxa Uu Sido Kale Odayaasha Dhaqanka Ugu Baaqay Inay Arintan Dhex Galaan.

Odayaasha Dhaqanka Siyaasiyiinta Culimada Iyo Indha Garaadka Bulshada Ayaa Si Wada Jira Baaqan Ugu Diray Dadka Walalaha Ah Ee Degaanka Howdka Gumburka Cagaare Wada Dega Inay Joojiyaan Shaqaaqadan.

Golaha Walaaleynta Bulshada Iyo Qabyaalad Diidka Somaliyeed Ayaa Ka Shaqaynaya Sidii Loo Suulin Lahaa Qabyaalada Dadka Somaliyeedna Layskugu Soo Dhawayn Lahaa.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*