| | 683 views

C/raxmaan C/Shakuur ”Madaxweynaha iyo RW Kheyrre waxaan ku Dacweyneyaa Dalalka ay Dhalashada ka haystaan..”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maaanta warbaahinta kula hadlay Guriga uu Maagalada Muqdisho ka degan yahay, kadib markii 17-kii bishan ay ku weerareen Ciidan ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku dacweyn doono Maxkamadaha Wadamada ay dhalashada ka heystaan ee Norway iyo Mareykanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay lahayeen Mas’uuliyadda weerarkii Gurigiisa lagu qaaday islamarkaana wuxuu cadeeyay in la doonayay in lagu qaarajiyo isaga.

Dhanka kale Siyaasiga ayaa sheegay in madaxda dalka ay doonayaan inay Dastuurka dalka ku tunteen, taasna aan dadka Soomaaliyeed marnaba aysan aqbali doonin.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*