| | 299 views

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo dood kulul ka yeeshay Miisaaniyada Dowladda ee 2018 iyo arrinta Magaalada Qudus.

Shir mudanayaasha golaha shacabka ay yeesheen oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa ugu horeyn golaha uu ka hadlay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaaladda jerusalem ugu aqoonsaday caasimada Isra’iil ,waxaana gudoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in go’aanka dowalda mareykanka uu halis ku yahay dadaalada nabada ee mareykanka uu ka waday Falastiin iyo Isra’iil iyo guud ahaan ammaanka Gobolka ,isagoo sheegay in golaha shacabka uu arintaas qaraar ka soo saari doono.


Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo jeediyay in arintaas qaraar laga dhigo Xildhibaanada arimahaasi aadka u yaqaanana looga baahan yahay in gudiga arimaha dibadda arimahaasi kala shaqeeyaan.
Waxaa intaasi kadib gudiga maaliyada ee golaha shacabka ayaa golaha ka hor aqriyay warbixinta gudiga ee odoroska miisaaniyada qaranka ee sanadka 2018-ka waxaana golaha ka hor akhriyay Gudoomiye Ku xigeenka gudiga Miisaaniyada ee Golaha shacabka,waxaana kulanka ku sugnaa Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Prof C/llaahi Sheekh Cali Qalocow.
Gudoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudiga arrimaha dibadda looga baahan yahay in qaraarka ay si deg deg ah u soo diyaariyaan,gudiga dastuurka ee golaha shacabkana uu warbixintiisa golaha hor keeno ,waxaana gudoomiyaha uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada golaha shacabka lagula xisaabtami doono howlaha ay shacabka u hayaan



Taaj Expess